Shacabka Ciraaq oo doorasha u dareeray xilli Baqdin Amni jirto

Image
Image
Image
Image

BAQDAAD - Dad-waynaha Ciraaq ayaa waxay udareereen maanta oo Sabti ah cod-bixinta doorashada Baarlamaanka, taasoo noqoneysa midii ugu horeysay tan iyo markii la jibiyay Kooxda Daacish, oo ku xooganeed dalkaan Aasiya dhaca.

In ka badan 7,000 oo Murashixiin ah ayaa waxay ku tartamayaan 329 kursi oo Baarlamaanka ah, kuwaasoo Rubuc kamid ah ay yihiin Haween.

Hal ku dhigyadda doorashadaan ayaa waxyaabaha ugu badan ee Murashixiinta ku olalaneynayaa kamid ah, Shaqo abuur, la dagaalanka Musuq-maasuqa iyo waliba in amaanka dalka ay dib usoo celin doonan.

Doorashada oo ka dhaceyso gobolka dalka Ciraaq oo dhan ayaa qofkii ku guuleystay waxaa hortaalo shaqo adag oo ay inuu soo dhiso dowlad wadaag ah, maadaama Gobolka Shiicada iyo Kurdiyiinta ay yihiin kuwa mayal adag.

 - Xubnaha ugu cad-cad doorashada - 

Haider al-Abadi, oo ah Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq tan iyo 2014 ayaa ka shaqeynaya inuu mar kale kusoo noqdo Kursiga, laakiin wuxuu wajahayaan culeys xoogan oo uga uga kala imaanaya Murashixiin kale oo awood badan leh.

Al-Abadi, wax-yaabaha uu ku faani karo waxaa kamid ah in dalka uu ka saaray Kooxda Daacish, inkastoo meelo qaarkood ay wali ku xoogan yihiin, laakiin waxaa jira dhaliilo ay usoo jeedinayaa Dadka isaga aan la dhacsaneen maamulkiisa.

Nuri al-Maliki, oo ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ciraaq, hadana hogaamiya Isbaheysiga State of Law, ayaa wuxuu yahay ninka ugu wayn ee loolanka la gelin kara Al-Abadi, wuxuuna haystaa taageerada ugu badan ee dadka Suniyiinta ah.

Maliki ayaa wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq intii udhaxeysay 2006 illaa 2014, isagoona taageero iyo xuluf dhow la ah dowlada Iiran.

Murashax saddexaad ee saamaynta leh wuxuu yahay Hadi al-Amiri, kaasoo hogaamiya Xisibiga Fatah, wuxuuna xiriir xoogan uu la leeyahay dhankiisa xukuumada Tehran.

Amiri ayaa wuxuu gacan wayn uu ka siiyay Taliska Hashd al Shaabi, ama Dhaqdhaqaaqa Popular Mobilization Units [PMU] oo ah midka ugu balaaran ee Shiicada, oo ay si joogta ah u taageerto Iran dagaalka ka dhanka Daacish.

Inkastoo uu PMU ay door fir-fircoon ka qaateen dagaalka Daacish hadana waxaa jira kala qeybsanan dhaxdooda, taasoo keentay in hogaamiyashooda qaarkood ay ka dalbadaan cod bixiyaasha in aysan u codeyn.

- Baqdin amaanka ah -

Iyadoo olalaha doorashada uu si xoogan usocdo ayaa waxaa jirta cabsi laga qabo weeraro ka yimaada Daacish, kuwaasoo maalmo ka hor toogtay xubin ka tirsan Isbaheysiga Qaranka, kaasoo uu hogaamiye Ra’iisul Wasaare hore Ayad Allawi.

Shaqsiga la toogtay oo ahaa Murashax, iyo sidoo kale ahaa macalin Koleej oo lagu magacaabo Farouq Zarzour, ayaa lagu dilay meel ku dhow Magaalada Mosul, waxaaan uu tartamayay Kursi kamid ah Baarlamaanka.

Dilkaan wuxuu yimid iyadoo bishii lasoo dhaafay ay Daacish soo saartay fariin cod ah oo ay ku sheegeyso inay sare u qaadi doonto weerarada ka dhanka ah Goobaha codbixinta.

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ee Abadi ayaa ku dhawaaqay bishii September ee la jabiyay Daacish, laakiin Kooxdaan ayaa waxay wali yihiin kuwa halis ah, waxayna joogteeyeen weerarada gaadmada ah oo ay ka fulinayaa meelo badan oo dalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM