Shan cashar oo caalamka uu ka baratay safmarkeenka Coronavirus

Image

WASHINGTON, US – Dadka ayaa si joogto ah isku waydiinaya "in wax walba ay is-bedeleen" xilli safmarka Coronavirus uu si baaxad leh ugu faafay badi wadamadda caalamka, iyaddoo uu dilay kumanaan ruux.

Hubanti la'aan balaaran ayaa ka taagan goorta laga bixi doono walwalka masiibadan, maadaama aan wali loo helin daawo rasmi ah. Illaa iyo haatan, wuxuu haleelay in ka badan saddex milyan.

Iyaddoo loo aqoonsaday mid kamid ah dhibaatooyinkii ugu xumaa ee aadanaha soo maray, caabuqa wuxuu dilay dad tiradoodu ka badan tahay 200-kun; ku dhowaad hal milyanna way ka bogsadeen.

Xilli saameyntiisa laga dareemay dhinacyadda dhaqaalaha, is-dhexgalka iyo waxbarashadda, waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa shan cashar oo dunida ay ka baratay colka qarsoon, Covid-19.

Siyaasadda iyo cilmiga?

Caadiyan, madaxda qaarkeed waxay isku daydaa in xilliyada ay mushkiladuhu jiraan ay ka faa'iideystaan iyaddoo shacabka ay ka sugayaan wax-qabad.

Hogaamiyeyaal badan oo isku dayey in ay caanimo ka dhex-baadigoobaan musiibadan taagan iyago inkiraya digniinaha cilmiga ku dhisan ayaa la kulmay hoos u dhac weyn oo dadweynaha dhexdooda ah.

Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, iyo dhigiisa Brazil, Jair Bolsonaro, ayaa kamid ah madaxda lumisay "kalsoonida dadka".

Trump iyo Bolsonaro ayaa dhinac isaga beeray mas'uuliyiinta caafimaadka, iyagoo diiradda saaraya in ay saameyn ku yeeshaan xeendaabka warbaahinta. Balse, Coronavirus wuxuu u baahan yahay tijaabo gaara.

Guul laga gaaro cudurka ayaa u baahan in ay wadashaqeeyaan dalalka iyo hogaamiyeyaashooda, mana jirto cid isku filan oo gaar isku taagi karta.

Dedaalada isku-filnaanta

Dowladaha ayaa nan si deg-deg ah ku ilaabin taageero ay ka helaan dhigooda si gaar ah waxaa sareysay dalabyadda qalabka caafimaad iyo agabka looga hortago faafitaanka xanuunka dilaaga ah.

Dhakhatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaad ayaa sidoo kale ku qasbanaaday in ay adeegsadaan agab iyo maaskaro gacan ku sameys ah.

Dalal kala duwan ayaa xadiday dhaqdhaqaaqa dhoofinta, kuwa kalena waxay gebi ahaanba joojiyeen in cunooyinkooda loo iib-geeyo dibadda.

Iyaddoo arrimahaan looga gol-leeyahay in wadan walba isku filnaado, Qaramadda Midoobay ayaa si weyn kaga digtay cuno yari soo food-saarta caalamka, arrintaas oo sababi karta sicir barar xoogan.

Sinnaan la'aanta

Sinaan la'aanta dhaqaale iyo siyaasadda ku dhisan la yereeyo kharashka dadweynaha ayaa keentay in wadamo kale ay dadkoodu adkeysi yeelan waayaan, xilli lagu amray in ay guriyahooda joogaan, iyagoo aan la kabin.

Tani ayaa sababtay in dadku ay dhibaato ka xanuun iyo culeys badan ay kasoo gaarto fayruska, lana daalaadhacaan maareynta noloshooda.

Tusaale ahaan, Mareykanka, iyaddoo dadka aysan waayin shaqooyinkooda, waxaa dhibaato ay soo wajahdey nidaamka caymiska caafimaad iyo shaqaaleysiinta.

Ingiriiska, wallow dalku uu leeyahay shaqaale caafimaad oo abaabulan, haddana siayasadda ku dhisan in la xidido karashka soo gala, waxay wiiqdey nidaamka caafimaadka markii fayrusku dilaacay.

"Dadka aan soo muuqan"

Sidda horey loo diiwaan-geliyey, dadka saboolka ah iyo muhaajiriinta ayaa nan soo muuqan waqtiyadda mushkiladaha waaweyn ay jiraan. Covid-19 wuxuu mar kale banaanka soo dhigay xaqiiqaddaas.

Balse, talaabada ay dowladda Singapore ahmiyadda koowaad ku siisay dadkaas ayaa noqotay mid dunida oo dhan uu ku daydo.

Xukuumadda ayaa si deg-deg ah dareenkeeda ugu weecisay kadib markii ay xaqiijisay kiisaskii ugu horeeyay oo ahaa 200 [laba boqol].

Iyagoo aan ka tageyn sinnaanta muwaadiniinta, hay'addaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in dowladdaha caalamka looga baahan yahay in ay muhiimada siiyaan dadka nugul sidda qaxootiga.

Qaramadda Midoobay oo adkeystay midnimadda iyo wadajirka dunida, ayaa cod dheer ka digtay in leyska indha-tiro dadka aadka u nugul.

Dhibaatada kala qeybsanaanta

Cudurka ayaa kasoo ifbaxay bartamaha Shiinaha iyaddoo dunida ay wajaheysay kala qeybsanaan iyo loolan dhinacyadda dhaqaalaha, ammaanka iyo maamulka cirifyadda muhiimka ah ee aduunka.

Wadamadda uu si xoogan u aafeeyay xanuunka sidda Talyaaniga, Spain, Mareykanka iyo qaar kale waxaa ka jirtay kala qeyb-sanaanta siyaasadeed.

Sidoo kale, waxaa xusid mudan in faafitaanka xanuunka ay ka qeyb-qaadatay xifaaltanka aan wali xalka loo heli ee xukuumadda Washington iyo Bejing.

Fariinta ugu weyn ee dunida oo dhan ay ka faa'iidey Coronavirus ayaa lagu sheegay "midnimo iyo wadajir" oo lagu wajaho dhibaatooyinka, sidda ay ka dhawaajiyeen falanqeeyeyaal u waramay The Guardian.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM