Theresa May oo qorsheynaysa doorasho waqtigeeda laga soo hor-mariyay

Image

LONDON - La-taliye-yaal sare ayaa u sheegay Wargeysa “Sunday Times”, in Ra’iisul Wasaare Theresa May ay qorsheynayso inay qabato bisha November doorasho waqtigeeda laga soo hor mariyay.

Waxay sheegeen in doorashada sababta loo qabanayo ay tahay sidii loo badbaadin lahaa Wadahadallada UK uga baxayo Midowga Yurub [Brexit talks], oo soo wajahday hubanti la’aan.

Haddii ay wadahadallada Brexit, waxaa khatar galaya xilka Theresa May, oo cadaadis kala kulmaysa mucaaradka, oo ugu horeeyo hogaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha Jeremy Corbyn.

Warbixinta “Sunday Times”, ayaa imanaysa maalmo kadib markii hoggaamiyayaasha EU-da ay diideen qorshaha Theresa May ee ka baxsan EU-da, oo loo yaqaan 'Checkers Agreement'.

Theresa May waxay sidoo kale hogaamiye u tahay xisbiga hadda haya talada ee Conservative party, waxaana ay u aragtaa in doorashada guud ee bisha November ku xoojiso qorshaheeda.

Sida qorshahu yahay, Boqortooyada Ingiriiska waxay la geli doontaa aag ganacsi oo xor ah Midowga Yurub, kaasoo lahaan doona sharciyo iyo heerarka guud ee dhanka warshadaha, canshuuraha, balse soo afjari doonta xoriyadda dhaqdhaqaaqa u dhexeeya dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo Ingiriiska.

Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa diiday qorshaha ay soo jeedisay Theresa May xilli ay ka qeyb-galayeen shirarkii ka dhacay bishii May magaalada Salzburg ee dalka Austria horraantii toddobaadkan.

Sunday Times ayaa la hadashay laba ka mid ah kaaliyeyaasha sare ee Therese May, kuwaasoo sheegay in ay qorsheynayaan in ay ku dhawaaqaan doorasho guud oo cusub si ay u sugto taageerada dadweynaha ee wadahadallada cusub oo lala galayo Midowga Yurub.

Isagoo soo xignaya qof kamid ah dadka la shaqeeya Theresa May, Sunday Times ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaaraha qorsheynayso inay iska-casisho kaalinteeda xagaaga soo socda.

Isku-daygeedii hore ee ku kasban lahayd taageerada shacabka UK, ee istiraatiijiyadda wada-xaajoodka ka bixista Midowga Yurub [Brexit] ayaa fashil ku yimid kadib markii xisbigeeda Conservative-ka uu ku guul-dareystay inuu helo aqlabiyadda kuraasta Baarlamaanka doorashadii 2017.

Hogaamiyaha mucaaradka UK, Jeremy Corbyn ayaa isagoo ka duulaya fashilkan kordhiyay cadaadiska uu ku hayo Theresa May ee ah inay qabato afti labaad oo ku aadan ka bixista EU.

Xukuumadda Theresa May ayaa haysata illaa bisha March ee 2019 inay kusoo afjarta heshiiska dalkeeda uga baxayo Midowga Yurub, oo hadii kuu guul-dareysato ka dhalan karta in UK kasoo mid ahaato EU.

Shacabka Ingiriiska ayaa 23-kii June 2016 u codeeyay afti laga qaadey oo ku aadan in dalkaasi isaga baxo xubinimada Midowga Yurub, qorshahaasi oo Theresa May kala kulantay caqabado badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM