Tirada dadka u dhintay cudurka Coronavirus oo aad u korodhay

Image

CAALAMKA | Tirada dadka ku dhintay cudurka Coronavirus ee dalka Shiinaha ayaa dhaaftay 1000 qof, waxaana sare usii kordhaya walaaca laga qabo heerka uu la eg yahay dhaawaca uu gaarsiiyey dhaqaalaha dalka.

Shirkadaha dalka Shiinaha qaarkood ayaan weli shaqada kusoo laaban kadib markii fasax dheeri ah ay siiyeen shaqaalahooda dabaa-deggii sanadka cusub kadib, halka kuwa kalena ay dowladda weydiisteen balaayiin dollar oo deyn ah, si ay usii shaqaayaan.

Shirkadaha qaarkood ayaa sidoo kale shaqada ka eryey dad badan, inkasta oo ay jirto in madaxweyne Xi Jinping uu shacabka u ballan-qaaday inaysan jiri doonin shaqo ka eryid badan.

Dhinaca kale, la-taliyaha sare ee dowladda ee cudurkan, ayaa sheegay inuu rajeynayo in faafitaanka cudurkan uu dhammaado bishan February.

“Xilliga uu joogsan lahaa fiditaanka cudurka waxaan filayaa inay noqoto bartamaha ama dhammaadka bishan,” ayuu yiri Zhong.

Waxa uu sheegay in tirada kiisaska cusub ee cudurkan ay hoos u dhacday gobollada qaar.

Guddiga Caafimaadka Qaranka ayaa dhinaca kale sheegay Talaadadii in 108 qof oo cusub ay u geeriyoodeen cudurka, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 1016 qof.

Wakaaladaha

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM