Toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday gudaha Sacuudi Carabiya

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Ugu yaraan lix qof ayaa ku geeriyootay toogasho ka dhacday gobolka Asir ee dhaca Koonfur Galbeed ee Sacuudi Carabiya, sidda ay ku warantay Wakaalada Wararka dalkaas ee SPA.

Zaid Mohammed al-Dabbah, afhayeenka bileyska gobolkaas, ayaa xaqiijiyey in dhacdadaas oo Talaadadii lasoo wariyey ay ku dhaawacmeen saddex kale, wallow uusan tafaasiil ka bixin waxay kala ahaayeen.

Sidda ku xusan warbixinta warbaahinta dowladda, toogashada ayaa ka dhacday xarunta gobolka ee al-Amwah oo 128 KM u jirtay magaalada Khamis Mushait.

Gobolka Asir wuxuu xuduudo la leeyahay waddanka colaaduhu la dageen ee Yemen, halkaas oo falaagadda Xuutiyiinta ee Yemen taageerto ay ku xoogan yihiin.

Xuutiyiinta ayaa dhowr jeer gantaalo kusoo weeraray qaybo kamid ah Asir, iyagoo bartilmaameedsaday xarumaha Shidaalka iyo goobo kale oo dowladeed.

Bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-kii, sawaariiq ku dhacday garoonka diyaaradaha ee Abha ayaa sababtay dhimashada hal qof iyo dhaawac todoba.

Sacuudi Carabiya ayaa hogaaminaya howlgalka dalalka Carabta ay ka wadaan gudaha Yemen. Tan iyo markii uu bilowday duulaankaas, waxaa Riyadh ay la daalaadhaceysa joojinta weerarada kooxda Xuutiyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Obama oo difaacay Ilhan Omar xilli Trump doonayo in laga tarxiilo Mareykanka

Obama ayaa sheegay in baaritaanku u muuqdo isku day ay maamulka Madaxweyne Donald Trump ku doonayaan inay ku cabsi-geliyaan.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 02:08PM

Masar oo Sacuudiga u ballanqaadday taageero ka dhan ah weerarrada Xuutiyiinta

Masar ayaa horay ula safatay Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan, kuwaas oo si wadajir ah u cambaareeyey weerarrada Xuutiyiinta.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 11:18AM