Trump oo ka hadlay cudur fara kulul ku haya Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa markii ugu horeysay ka fal-celiyay xanuunka jadeecada oo fara kulul ku haya dalkaasi.

Isaga oo dibadda Aqalka Cad kula hadlay wariyeyaasha ayuu kusoo bandhigay qaabka ay dadka Ameerikaanka ah uga badbaadi karaa cudurkaan.

"Talaalka waa mid aad muhiim u ah," ayuu tiri Trump, markii la waydiiyay qaabka kaliya ee looga hortagi karo.

Ku dhowaad 700 oo kiis xanuunka jadeecada ah ayaa kaliya sanadkaan laga soo wariyay dalka Mareykanka.

Waa markii ugu horeysay tobban sano kadib uu sare u kac noocaasi ah uu sameeyo cudurkaasi aadka halista u ah.

Inta badan xanuunkaan ayaa haleela caruurta, taasi oo sabab looga dhigay in awooda jirkooda oo ah mid daciif ah.

Hadalka Trump ayaa kusoo beegmaya iyadda oo uu socdo olale ka dhan ah xanuunkaan, kaasi oo dadka loogu wacyi gelinayo in ay Talaalka qaataan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM