Trump oo Taliyeyaashiisa Sirdoonka u gefay "Waxbarashada dib ha ugu laabtaan"

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay Taliyeyaashiisa sirddoonka kuwa waxba la socon oo u baahan inay dib ugu laabtaan Iskuuladda, oo wax soo bartaan.

Hadalkan gefka ah ayaa Trump sheegay kadib markii Taliye-yaasha ay qiimeyn kuu sameeyeen khatarta Iran iyo Kuuriyadda Waqooyi, iyagoo warbixin arintaasi ku saabsan u gubuyay Senate-ka.

"Waa in aad iska ilaalisaan Iiraan, sirddoonka waa inay dib ugu laabtaan waxbarashada ama dugsiyada si ay wax usoo bartaan" ayuu Trump ku yiri bartiisa Twitter-ka.

Donald Trump ayaa hadalkiisa kusoo beegmaya xilli sirddoonka Mareykanka ay shaaciyeen warbixin sheegaysa in Iran aysan ku howlaneyn sameynta hubka Nukliyerka.

Waxay sidoo kale sheegeen inay u muuqato in Kuuriyada Waqooyi aysan weli ka harin howsheedii aheyd sameynta iyo keyddinta hubka Nukliyerka.

Agaasimaha qaran ee sirddoonka Mareykanka iyo saraakiil sar sare ayaa Talaadadii warbixinta u gudbiyay aqalka senetka ee dalkaasi.

Sannadkii lasoo dhaafay, Mareykanka wuxuu ka baxay heshiiskii barnaamijka Nukliyerka Iiraan ay quwadaha caalamka la galeen sannadkii 2015-kii, kaas oo ay dhaleeceen dalalka saaxibada la ah xukuumadda Washington.

Trump ayaa bilaabay barnaamij diblumaasiyadeed oo ku hagaajinayo xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhexeeyo Kuuriyada Waqooyi, waxaa uu bishii June ee sannadkii lasoo dhaafay dalka Singapore kulan kula yeeshay hoggaamiyaha dalkaasi Kim Jong-un.

Warbixinta kasoo baxday sirddoonka ayaa sidoo kale ka digtay walaaca sii kordhaya ee halista weerarada Internetka ee uga imaaneyso Mareykanka dalalka Shiinaha iyo Ruushka.

Trump muxuu ka yiri arrinta Iran?

Qoraallo uu kusoo bandhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in saraakiisha sirddoonka Mareykanka 'aysan ogeyn khatarta uga imaaneyso dhinaca Iiraan ayna u muuqato kuwo aanan heyn wax jawaab ah oo ay uga falcelinayaan halistaas'.

Trump waxaa uu sidoo kale sheegay in Iiraan ay khas iyo jahwareer ka abuurtay gobolka Bariga Dhexe iyo meel kale tan iyo sannadkii 2016-kii balse ay isbadashay markii Mareykanka uu ka baxay barnaamijka Iiraan.

Si kastaba ha ahaate, Trump wuxuu ka digay halista iyo daandaansiga joogta ah ay waddo Iiraan iyo gaantaallada dhawaan ay tijaabisay.

Agaasimaha laanta sirddoonka Gina Haspel ayaa aqalka sare u sheegay in Iiraan ay farsamo ahaan u hoggaansantay heshiiska Nukliyerka inkasta oo uu Mareykanka kusoo roggay cunaqabatayn.

Warbixinta sirddoonka ayaa sidoo kale ka digtay 'damaca dalalka gobolka ee sare u qaadidda awoodda militari' taasina ay caqabad ku noqon karta danaha mustaqbalka ee Mareykanka.

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM