Ugu yaraan 20 qof oo lagu dilay Burkina Faso

Image

16 January, 2016(GO)-Rag hubeysan ayaa waxa ay weerareen hoteel ay isticmalaan reer galbeedka oo ku yaal magaalada Ouagadougou ee caasimadda dalka Burkina Faso, halkaasi oo ay dad ku hasytaan, waxaana lagu soo warramay in ay dileen ugu yaraan 20 qof.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in abaare 7:30-kii fiidnimo waqtiga maxaliga ay laba baabuur ku qarxeen banaanka hore ee hoteel Splendid.

Kaddibna saddex ilaa afar nin oo afka duubtay ayaa weerrartay hoteel Splendid, kaasi oo ay degaan shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo reer galbeedka, goobjoogayaasha ayaa sidaa sheegay.

Robert Sangare, oo ah agaasime isbitaal ku yaal magaalada ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof ay halkaasi ku dhinteen 15 kalana ay ku dhaawacmeen.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in 1-dii saqdii dhexe kaddib uu bilowday howlgal lagu sii daynayo dadka afduubka loo haysto hoteelka.

Waxaa sidoo kale lagu soo warramay in qeyb ka mid ah hoteelka uu dab qabsaday.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Alpha Barry, ayaa xilli hore sheegay in uusan meesha ka saareyn in ciidammada Faransiiska ay howlgalka ka qeyb qaataan.

Koox la socota dhaqdhaqaaqa kooxaha jihaadiyiinta ayaa sheegtay in al-Qaacidada Maqrib ay weerrarka ka dambeyso.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ragga hubeysan ay bilowgiiba galeen meel kaboshiinka lagu cabo oo u dhaw hoteelka.

Shaqaale ka howlgalayay goobtaasi laga cabo qaxwada ayaa wakaaladda AFP u sheegay in dhowr qof halkaa lagu dilay.

Hoteelka ayaa waxa uu ku yaal meel u dhaw gagida diyaaraha caalamiga ah ee magaaladaasi.
Burkina Faso ayaa dhawaan waxaa ka dhacay doorashooyinkii madaxtinimo ee ugu horreeyay tan iyo afgambigii bilowgii sanadkii hore.

Afgambigaasi ayaa waxaa talada looga tuuray hogaamiyihii talada mudada dheer hayay ee Blaise Compaore, kaasi oo dalkaasi xukumaayay 27 sano.

Xigasho: BBC

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM