South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale
Jubba — Riek Machar, madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Koonfurta Suudaan, ayaa Khamiistii si rasmi ah loogu soo oogay dacwado culus oo ay ka mid yihiin: dil, khiyaano qaran iyo dembiyo ka dhan ah bani’aadamnimada.
Eedeymahan ayaa ka dhashay kaddib markii lagu tuhmay inuu gacan ka geystay weerar lagu qaaday ciidanka dowladda federaalka ee dalkaasi, kaasoo dhacay bishii Maarso. Sida uu sheegay Wasiirka Caddaaladda ee dalka, Joseph Geng Akech, weerarkaas waxaa fuliyeey maleeshiyaad la baxay "White Army", oo ah dhalinyaro hubeysan oo si gooni-gooni ah u abaabulan.
Weerarkaasi ayaa lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Nasir ee waqooyi-bari Koonfurta Suudaan, waxaana lagu dilay in ka badan 250 askari. Dowladda ayaa sheegtay in weerarka lagu fuliyay amar toos ah oo ka yimid Riek Machar.
Wasiirka Caddaaladda ayaa sheegay in dembiyadan ay ku jiraan xadgudubyo cad oo ka dhan ah Xeerarka Geneva iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada, sida: xadgudubyo lagu sameeyay maydadka, dhibaateynta shacabka rayidka ah, iyo weerarro lagu qaaday shaqaalaha gargaarka bani’aadanimo.
Machar oo muddo dheer loolan siyaasadeed kala dhexeeyay madaxweynaha dalka Salva Kiir, ayaa hadda wajahaya dacwado culus, iyadoo sidoo kale todoba eedeysane oo kale — oo uu ka mid yahay wasiirkii hore ee batroolka — lagu soo oogay dembiyo la xiriira qorshe lagu sheegay in uu ahaa afgambi ciidan.
Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar oo markaas ahaa madaxweyne ku-xigeenka, isagoo ku eedeeyay inuu damacsanaa afgambi. Dagaalkaasi ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 400,000 oo qof iyo barakaca ku dhawaad afar milyan oo qof.
Inkastoo heshiis nabadeed la gaaray sanadkii 2018 oo ay labada hoggaamiye ku sameeyeen dowlad wadaag ah, haddana xaaladda ayaa markale sii xumaatay sanadkan, kaddib dagaallo ka dhacay gobolka Upper Nile tan iyo dabayaaqadii Febraayo.
Waxaa la filayaa in maxkamadeynta Machar iyo xubnaha kale ay saamayn weyn ku yeelato mustaqbalka siyaasadeed iyo nabadeed ee dalkaasi da’da yar.
GAROWE ONLINE