UN-ka oo ku baaqay in Baaritaan lagu sameeyo Dadki lagu dilay Gaza

Image

WASHINGTON — Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in baaritaan madaxbannaan oo hufan lagu sameeyo iskudhacii uu dhiiga badani ku daatay ee Jimcihi shalay ka dhacay xadka Israel iyo Gaza.

Isku-dhacyadaasi ayaa waxaa ay ciidamada Israel ku dileen 17 ruux oo Falastiiniyiin ah, halka ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 1,400 oo ruux. Dadkaasi dhaawacmay ayaa 750 ruux oo ka mid ahi la sheegay in lagu dhaawacay rasaas toos ah.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii shalay kulan deg deg ah ka yeeshay xaalada Gaza, hase yeeshee kama aysan soo saarin go,aan ama bayaan ay u wada dhanyihiin.

Milatariga Israel waxay sheegeen in ay kala eriyeen dad sameeynayay mid ka mid ah dibadbixi ugu weynaa ee ka dhaca xuduuda Gaza muddo sannada ah.

Rabshadaha ayaa dillaacay kadib marki ay kumanaan Falastiiniyiin ah kusoo dhawaadeen xuduuda Israel iyo Gaza. Milatariga Israel ayaa rasaas ku jawaabay kadib marki ay qaar ka mid ah mudaaharaadayaasha bilaabeen in ay tuuraan dhagxaan sidoo kalana gubeen taayarro.

Dhinaca kalana waxaa maanta magaalada Gaza ka billowday aaska 17 ruux-ki ruux ee shalay ku dhintay isku dhacyada ciidamada Israel iyo dadka ka qeybgalay mudahaaradaadki ka dhacay xuduuda Gaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM