Wasiirka difaaca Hungary oo is casilay

Image

08 September, 2015(GO)-Wasiirka difaaca dalka Hungary Csaba Hende ayaa is casilay kaddib kulan ay yesheen golaha sare ee amniga ee dalkaasi.

Arrintan  ayaa lala xiriirinayaa qul-qulka tahriibayaasha ee dalkaasi iyo dib u dhaca qorshaha lagu dhisayo darbi dheer oo lagu joojinayo tahriibayaasha kaasi oo la filayay in la dhammeeyo bishii la soo dhaafay.

War saxafaafeed ay soo saartay dowlada Hungary laguma faah-faahin sababta uu isku casilay wasiirka difaaca dalkaasi.

Is casilaadan ayaa timi iyadoo boqollaal qaxooti ah xoog uga gudbeen qadadka booliska Hungary ee deegaanka Roszke ee ku dhow xadka Serbia, waxa ayna isugu tageen wadada ugu weyn ee aadda magaalada Budapest ee isla dalkaasi.

Dhawaan Ra'isal wasaaraha Hungary ayaa sheega inaysan doonayn qaxooti soo gala dalkooda gaar ahaa muslimiinta ka soo qaxaya colaadda ka taagan Suuriya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Professor Jason Arday oo Dhalisay Dood Ku Saabsan Hab-dhaqanka Warbaahinta Britain

Qoyskiisa ayaa ku tilmaamay nin dabacsan oo naxariis badan, mar walbana dadka wanaagooda ka eegi jiray.

  • Caalamka

    16-08-2026

  • 04:53AM

Maxkamad ku taalla Israa’iil oo hakisay qorshe xabsiga Ketziot lagu hareereynayo yaxaasyada

Xabsiga Ketziot, oo ku yaalla koonfurta Israa’iil, ayaa lagu hayaa maxaabiis Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan dad laga qabtay Marinka Gaza.

  • Caalamka

    15-08-2026

  • 02:46PM