WHO oo joojisay tijaabada daawo uu Trump u isticmaalay Covid-19

Image

WASHINGTON, US - Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay tijaabooyinka lagu waday dawada malaariyada ee hydroxychloroquine in lagu daweyn karo Coronavirus iyo inkale si ku meel gaar ah in loo joojiyey sababa la xiriira badqabka dawadaasi awgeed.

Hay'adda WHO waxay Isniinti sheegtay waddama dhowr ah iney tijaabooyinki ay wadeen 'si ku meel gaar ahna' loo joojiyey.

Go'aanka WHO ayaa imanaya kaddib marki daraasad dhawaan la sameeyey ay ku talabixisay dawadaasi iney khatar dhimasho ku sii kordhinesyo bukaannada uu soo ritay Covid-19.

Madaxweyne Donald Trump ayaa isna sheegay inuu dawada uu isticmaalay si uu uga hortago faayraska corona.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa marar badan ka dhawaajiyey dawada looga hortago cudurka malaariyada in cudurka Corona lagu daweyn karo, balse talooyinka iyo digniinaha ay soo jeedinayaan khubarada caafimaadka waxay ku sheegeen daawadaasi iney khatar dhinaca wadnaha ay keeneyso.

Toddobaadki hore wargeyska arrimaha caafimaadka ka faallooda waxaa lagu daabacay maqaal lagu sheegay Lancet iney sheegtay dawada hydroxychloroquine iney wax faa'ida ah u leheen in loo isticmaalo daweynta coronavirus, balse dawadaasi bukaannada coronavirus ay ku keeni karto dhimasho tira badan.

Dawada hydroxychloroquine waxay ku habboon tahay in loo isticmaalo malaariyada iyo xanuunnada isgooysyada jirka ku dhaca balse ilaa iyo hadda ma jirto daraasad caddeysay in Covid-19 lagu daweyn karo.

Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO oo hoggaamineyso baaritaanna kala duwan oo lagu baadi goobayo dawo lagu daweeyo cudurka Covid-19 ayaa horay welwel uga muujisay shaqsiyaadka sheegay iney isku daweeyeen iyo dalalka ku dhawaaqay in dawadaasi loo adeegsado in lagu daweeyo coronavirus.

Daraasadda ay sameysay Lancet waxaa laga qayb geliyey 96,000 oo bukaannada Karona, 15,000 oo bukaannadaasi ka mid ahna waxaa la siiyey dawada hydroxychloroquine- ka keligeed ama loo raaciyey dawada antibiotic.

Waxayna daraasaddu sheegtay natiijada soo baxday iney noqotay in bukaannada dawadaasi lagu tijaabiyey ee isbitaallada yaalla ay qarka u saarmeen geeri, qaarkoodna ay dhibaatooyin dhinaca wadnaha ah ay la kulmeen.

Bukaannada cudurka qaba ee dawada lagu tijaabiyey ayaa waxaa la siiyey 18%hydroxychloroquine- ka , 16.4% chloroquine- ka, 9% kooxda xakameynta cudurkana. Bukaannada lagu tijaabiyey dawooyinka hydroxychloroquine ama chloroquine oo weliba loo raaciyey dawada atibiotic waxay khatar aad u weyn u galeen dhimasho.

Waxayna khubarada daraasadda sameysay ay ka digeen dawada hydroxychloroquine-ka in loo isticmaalo tijaabo ka baxsan goobaha caafimaadka ee ay daraasaddu ka socotay.

Waxayna khubarada daraassadda sameysay ay sheegeen natiijada tijaabadaasi daraasadda lagu sameeyey inaan weli la ansixinin.

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM