Wiilka ugu da'da yar ee qoyska Trump oo laga helay safmarka Covid-19

Image

WASHINGTON, US – Barron Trump, wiilka ugu da'da madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump, ayaa laga helay safmarka Covid-19 kadib markii waalidkiisu soo ritay fayruska, sida ay sheegtay marwada koowaad Melania.

Sidda ay warisay saxaafadda, Barron ayaa kal hore laga waayey xanuuka, balse waxaa la xaqiijiyey in uu la nool yahay kadib baaritaan kale.

"Cabsideyda waxay rumowday kadib markii mar labaad la tijaabiyay wallow kal hore laga waayey. Nasiib wanaag, waa wiil dhalinyaro ah oo xoog badan mana muujin wax calaamado ah," ayay qoraal ku tiri maalintii Arbacada.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Si uun waxaan ugu faraxsanahay in seddexdeena aan isku mar soo wada marnay sidaa darteed aan is daryeelno oo aan waqti wada qaadanno. Tan iyo waqtigaas, isaga wuxuu ahaa mid aanan qabin."

Melania iyo Donald Trump ayaa laba todobaad kale laga helay safmarka Covid-19, wallow madaxweynaha sheeganayo in uu kasoo kabtay xanuunka.

Xaqiiqada kaliya ee la og-yahay waa in Melania aysan isbitaal gelin sidda madaxweynaha taasoo lagu sababeeyay in ay kala darnaayeen.

Donald Trump oo wax laga waydiiyey xaalada caafimaad ee wiilkiisa ayaa sheegay in uu wanaagsan yahay, isagoo u rajeeyay soo kabasho deg-deg ah.

Sikastaba ah ahaatee, waxaa muuqaneysa in Coronavirus uu cagta marinayo Aqalka Cad, waxaana ay sarre u sii qaadeysa kiisaska cusub ee laga soo wariyey in ay jiri karaan mas'uuliyiin kale oo uu soo ridan karo caabuqa faafa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM

Dadkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo lagu qabtay Howlgalka ICE ee Minnesota

Soomaalida Minnasota ayaa walaac ka muujiyay tarxiilka billowday iyo beegsiga uu Trump ku hayo, iyadoo arinta keeni karto dad badan.

  • Caalamka

    05-12-2025

  • 10:53AM