Yemen: Cali Cabdulah Saalax kuma ayuu ahaa ?

Image

Saalax, oo xakumey dalka Yemen muddo ku dhow Sodon sano ayaa lagu diley Sanca kadib dagaal ka qarxey magaladaas maalmihii lasoo dhaafey.


Madaxweynihii hore ee dalka Yemen, Cali Cabdulah Saalax sanadkii 1978 waxaa uu qabsadey Woqooyiga dalka Yemen, kadib waxaa uu Madaxweyne ka noqdey dalka oo dhan markii labada dhinaca(Koonfur & Woqooyi) isku midoobeen sanadki 1990. Waxaa uu noqdey siyaasiga kaliya oo isku maamuley labada Yemen oo mideysan isagoo dhexgal ku sameeyey nidaamka qabaliga ah ee dalkaas.

Saalax mararka qaarkood waxaa uu isku sheegi jirey inuu yahay hogaamiyaha kaliya oo isku hayn kara midnimada dalka Yemen. Hadalkaan ayuu ku celcelin jirey waaya dambe isagoo ka hortagya isku dayo la rabey in Xafiiska looga qaado.

Laakiin inta uu talada dalka hayey waxaa dalka Yemen ka jirey maamul xumo iyo musuqmaasuq.Dalka Yemen ayaa kamid ah wadamada aduunka ugu faqiirsan iyadoo heerka shaqo la’aantu iyo sicir bararku gaarey meel sare. Lacagaha faraha badan ee  ee laga helo iibinta khayraadka Saliida ayaa ku dhamaada gacmo dad gaar ah iyadoo 40% dadka Yemen ku Nool yihiin maalintii wax ka yar $2.

Mudaharaadyo looga soo horjeedo oo socdey muddo billo ah sanadkii 2011 Saalax waxaa uu saxiixey heshiis uu xilka kaga dagayo kaasoo ay dhexdhexaadiyeen wadamada Khaliijka(GCC).

Balse waxaa uu soo rogaal celiyey markale kadib markii uu heshiis la galey Jabhadii Xuutiyiinta sanadkii 2015.

Bishaan aan ku jirno December waxaa uu xiriirka u jarey Xuutiyiinta isagoo sheegey in wadahadal uu la furayo Isbaheysiga dalka Sucuudiga hogaaminayo.

Maalmo kadib, December 4 Cali Cabdulah Saalax waa la diley isagoo da’diidsu aheyd 74 jir taasoo Bogg cusub u furi doonta dagaalka sokeeye oo ka socda wadanka ugu faqiirsan dalalka Carabta.

Sanadihii hore 

Saalax waxaa uu ku dhashey sanadkii 1948 magaalo la yiraahdo Bayt al-Ahmar, waxaana uu ka tirsanaa qabiilka la yiraahdo Sanhan. Shaqadiisa hore ayaa aheyd ciidamada dalka Yemen. Waxaa uu la dagaalamey dowladii ka jirtey Woqooyiga dalka Yemen taasoo meesha ka saartey xukuumad ay tageerayeen dalka Masar.

Waxaa uu ciidmada ka tirsanaa tan iyo sanadkii 1978 isagoo talada dalka qabsadey kadib markii Madaxweynaha dalkaas la diley.

Saalax ayaa gacansaar dhow la lahaa Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq isagoo tageerey dagaalkii hore uu la galay xulifada Mareykanku kaligii taliye Sadam. Go’aankaas ayaa dalka Sucuudiga waxaa uu ku ciqaabey Cali Cabdulah Saalax isagoo dalkiisa ka eryey  Milyan u dhashey dalka Yemen.

September 11 kadib Cali Cabdulah Saalax waxaa uu tageerey dalka Mareykanka isagoo booqasho ku tagey Washington, booqashadaas ayaa bogg cusub u furtey dalka Yemen isagoo qayb ka noqdey dagaalka lagula jirey ururada argagixisada sida Al-Qacida.

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM