Ciidamada Puntland oo dilay 5 ka tirsan dagaalyahannada Al Shabaab

Image

February 13, 2015 (GO)- Ciidamadda Puntland ayaa maanta oo Jimce ah weerar ku dilay shan ka tirsan dagaalyahannada kooxda Al Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Madashoon sida ay sheegayaan saraakiisha dowladdu.

Ilo muhiim ah oo ciidamada ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in sidoo kale intii uu socday weerarku ciidamadu nolol ku qabteen hal dagaalyahan deegaanka Madashoon oo 23km dhanka galbeed ka xiga  Galgala halkaas oo ciidamada dowladu kula dagaalayamayeen Al Shabaab ilaa bartimihii 2010.

Weerarkan ayaa daba socda hawlgalo joogto ah kuwaasoo ciidamadda difaaca Puntland bilihii u dambeeey ka wadeen goobo lagu dhuumaalaysto oo ku dhereersan silsiladda buuraha Golis gaar ahaan deegaano hoos taga tuulada Galgala.

Al Shabaab ayaa kor u qaaday weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah ee ay ka geysaneyso magaalada gacanka cadmeed dhacda ee Bossaso, iyadoo weerarkii ugu dambeeyay la beegsatay hoyga taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse.

Hawlgalada  milateri ee ciidamadda dowlada oo kaashanaya nabad ilaaliyayaasha AMISOM ka fulinayeen bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ayaa la rumaysanyahay inay ku kalifeen haraadiga Al Shabaab inay usoo firxadaan dhanka buuraleyda Golis.

Inkastoo dowladu guul ka sheegtay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, hadana dadka wax falanqeeya waxay qabaan in kooxdu caqabad aan horay loo arag ku tahay xasiloonida Puntland.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Al Nahyan oo isbitaal ku booqdey askari looga dhaawacay Soomaaliya

Kabtan Mohammed Salem Al Nuaimi ayaa kamid ahaa dhaawacyaddii weerarkii Al-Shabaab ee Xero Gordan.

  • Wararka

    24-04-2024

  • 06:01AM

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM