Daily Mail: Ilhaan Cumar waa la furay, iyadda ayaana sabab u ahayd

Image

WASHINTON, US – Wargeyska Daily Mail ayaa ku waramaya in Xildhibaanadda gobolka Minnesota ku metasha Aqalka Sare ee Mareykanka, Ilhan Cumar, ay kala tageen seygeedda oo ah aabaha saddex caruur.

Tani waxay ka dhigan tahay in Ilhan uu u noqon doono furiinkii labaad, halka Axmed Xirsi, oo siyaasadda aad ugu dheereeya, uu u noqon doono midka labaad, sidda uu ka dhawaajiyey jaraa'idka.

Ilhaan, iyadda oo 19-sano jir ah, iyo Xirsi oo markii koowaad wada aqal-galay sanadkii 2002-dii balse waa ay kala tageen. Haddana waxay mar kale isku soo laabteen 2018-dii.

Sidda laga soo xigtay warbixinta majaladda, Ilhaan ayaa sabab u ahayd kala tagga, markii ay go’aan satay in ay kaligeed degto guri villo ah, oo ku yaala magaaladda Minneapolis gaar ahaan degmadda Mill.

Xirsi ayaa la sheegayaa in uu hoygaasi ku noolaan jiray kaliya marka ay Ilhaan maqan tahay, ayna ku sugan magaaladda Washington, halkaasi oo ay ku gudaneyso waajibaadkeeda dastuuriga ah.

"Marka ay iyaddu ku sugan yahay Minneapolis, isaga wuxuu jiifan jiray gurigiisa," ayuu joornaalka Ingiriiska kasoo baxa kasoo xigtay qof saaxiib la ah reerkan caan ka ah guud ahaan magaaladaasi oo ay Soomaalidu ku badan tahay.

Shabakadda ayaa daboolka ka qaaday in ay isku dayday inay labada dhinac wax ka waydiiso eedeymahan, balse midkoodna kama jawaabin su'aallaha ku foora hadalheynta oo aad looga dareemyo is-maamulkaasi.

"Cajiib," ayuu yiri Xirsi. "Kama hadli karo xaaladaasi. Waan ka xumahay, haatan waxba ma oran karo," ayuu daba dhigay, isaga oo iska sii watay gaarigiisa markii la waydiiyey su'aal ku saabsan in uu furay xaaskiisa caanka ah.

Dhinaca kale, Ilhaan ayuu wargeysku shaaca ka qaadey in ay gebi ahaanba ka goos-adeegtay in ay carabkeeda kusoo hadal-qaado sheekadan markii laysku dayey in wax laga waydiiyo.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadda oo Ilhaan Cumar ay dhowaanahba dagaal dhinaca afka ah ay kula jirtay madaxweyne Donald Trump, taasi oo waqti badan ka qaadatay, lana aaminsan yahay in uu seeg-siiyay reerkeeda.

Ilhaan Cumar, 37-jir aad u haysata ciwaanada warbaahinta caalamka markii ay isku taagtay Trump, ayaa ku dhalatay Muqdisho, caasimada Soomaaliya, waxayna ka qaxeen iyada iyo reerkeeda kadib dagaalkii sokeeye ee 1991-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al Nahyan oo isbitaal ku booqdey askari looga dhaawacay Soomaaliya

Kabtan Mohammed Salem Al Nuaimi ayaa kamid ahaa dhaawacyaddii weerarkii Al-Shabaab ee Xero Gordan.

  • Wararka

    24-04-2024

  • 06:01AM

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM