Aabe Ilyaas Aadan: Xukunka kiiska Caasha waa dhamaadkii kufsiga

Image

GAROWE, Puntland – Aabaha gabadhii yareyd ee lagu faroxumeeyay kadibna si arxan daran loogu dilay Gaalkacyo bishii Febraayo ayaa bogaadiyey xukunka ay hay’addaha qarsoorka Puntland ku rideen kiiskan.

Maxkamaddaha darajada 1aad iyo tan rafcaanka Nugaal si lamid ah tan sarre ee maamulkan ayaa isku wada raacay in dil toogasho garka loo geliyo saddex qofood oo la sheegay "in uu ku cadaaday" dambiga.

"Xukunka waxaan arkaa in uu si cadaalad ah ku dhacay, Caashana ay cadaalad heshay," ayuu Ilyaas yiri xili uu war-fidiyeenka kula hadlay magaaladda caasimadda ah ee Garowe, Jimcadda maanta ah.

Tan iyo markii uu gal-dacwadeedkan uu gacanta u galay hay’addaha ku shaqadda leh, Ilyaasi ayaa wuxuu si dhow ah kula socday heer walba oo uu marayo, isaga oo kasoo muuqan jiray fadhiyada Maxkamadaha.

"Waxaan si balaaran uga mahad-celinayaa saddexda daraf; dowladda Puntland, shacabka Soomaaliyeed sida ay noo garab istaageen," ayuu hadalkiisa ku daray, isaga oo farxad ka muujinaya maxkamadeynta.

Shaqsiyaadka loo xukumay fal-dambiyeedkan oo laba kamid ah ay walaalo yihiin ayaa midkood wuxuu qirtay in uu falka ku kacay, balse waxa uu beeniyay in uu door muuqda ku lahaa khaarijinta Inanta yar.

"Kufsiga waxaan ka oranayaa, in aanan gorgortan laga gelin. Xukunka [kiiska Caashana] uu yahay dhamaadkii kufsiga," ayuu Aabe Ilyaas Aadan oo qiiro ay ka muuqatay kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Shaqsiyaad u dhaqdhaqaaqa arrimaha xuquuqda aadanaha iyo dumarka ayaa dhankooda soo dhaweeyay xukunka, waxayna ku boogaadiyeen xeer-dejinta Puntland sida ay sharciga u marsiiyeen kiiskan.

Kiiska Caasha oo baaritaankiisa lagu saleeyay hanaanka casriga ah ee tjibaainta dheecaanka eedeysanaha ayaa Soomaaliya u soo jeediiday taariikh iyo sumcad aad u weyn. [Halkan ka akhriso]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM