Maxkamadda Sarre ee Puntland oo ayidday xukunkii kiiska Caasha Ilyaas

Image

GAROWE, Puntland - Maxkamada Sare ee Puntland ayaa Khamiista maanta ah ayidday dilka toogashadda ee lagu xukumay saddexda rag ee loosoo qabtay kiiska kufsiga iyo dilka ee Caasha Ilyaasi Aadan.

Shaqsiyaadka oo laba kamid ah ay walaalo yihiin ayaa waxaa lagu kala magacaabaa; Cabdishakuur Maxamed Dige, Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

Go'aankan ayaa ka dambeeyay markii raggan ay laba jeer Rafcaan ka qaateen xukunkan oo ay garka u gelisay Maxkamada Darajada Koowaad ee Nugaal, kuna raacday tan Rafcaanka ee gobolka.

Cabdifataax, oo 24-sano jir ah, ayaa fadhigii koowaad ee Maxkamadda Sarre wuxuu qirtay in uu faroxumeeyay Inanta 12-ka jir ahayd, balse wuxuu beeniyay in door ku lahaa khaarjinteeda.

Cabdishakuur, 48-sano jir, kaasoo kufsiga, afduubka iyo dilka lagu soo oogay ayaa iska fogeeyay, wuxuuna ku adkeystay in uusan waxba ka ogayn, wallow dheecaanol laga qaadey ay muujiyaan in uu lafalgalay.

Marxuumad Caasha oo ku guda jirtay heerka waxbarashada heerka koowaad gaar ahaan dugsiga dhexe ayaa falkan foosha xun waxaa loogu geystay Gaalkacyo bishii Febraayo ee sanadkan 2019.

Xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo balanqaadey in dhibanaha uu cadaalad heli doono ayaa wacad ku martay in la fuli doono xukun kasta oo ay go'aamiyaan Hay'addaha Garsoorka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM