Al-Shabaab oo maxaabiis kala baxdey xabsiga Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Weerar ay Al-Shabaab ay xalay saqdii dhexe ku ekeysay saldhiga weyn ee xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa ku baxsatay maleyshiyo ka tirsan xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacidda, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin dhanka ammaanka.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari, Xuseen Cali Maxamuud oo weerarka kadib u waramay saxaafada, ayaa xaqiijiyey in dableyda ay gudaha ugu daadatay jeelka, isaga oo intaas ku daray in ciidamo gurmad ahaan u tegay goobta ay ku guuleysteen in ay dib gacanta ugu dhigaan guud ahaan saldhiga.

Sidda laga soo xigtay taliye Maxamuud, waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu weerarkaan kasoo gaarey askarta iyo taliyaha Jeelka. Balse ma fahfaahin.

Warar madax-banaan ayaa tibaaxaya in dhimashadda ay tahay sideed askari oo isugu jirta askartii ilaaladda ka ahayd saldhiga iyo kuwa gurmadka u tegay meesha.

Maleyshiyadda Al-Shabaab oo guulo ka sheegatay weerarka ayaa xustey in ay kula baxeen boqolaal maxaabiis ah oo isugu jiray qaar ayaga ka tirsan iyo kuwa aan khuseyn.

Al-Shabaab ayaa warisay in 400 maxaabiis ay kasii deysay Jeelka. Balse, illaa haatan ma jiro xaqiijin rasmi ah oo kasoo baxdey dhanka Dowladda Puntland.

Warbixinadda ayaa tibaaxaya in maxaabiis ay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay kasii daayeen jeelka ay kuwa aan khuseyn kusii daayeen magaaladda.

Fahfaahinada ayaa muujinaya in Al-Shabaab ay saldhiga ku weerartay dagaalameyaal gaaraya 75 illaa 100 kuwaas oo qeybtood ay joogeen kontaroolka si ay isaga caabiyaan ciidamadda gurmad ahaanta ugu yimid goobta.

Isaga oo si gaar ah u dul-istaagay arrinta maxaabiista, taliye Maxamuud ayaa ka dhawaajiyey ay hubin kuwadaan tiradda guud iyo rag kale oo uu ka dhawaajiyey in ay kasoo qabteen dibada kuwaa soo uu tilmaamay in laga yaabo in ay ku dhex-jiraan qaar kamid ah dableyda weerarka qaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM