Beesha Caalamka oo dedaal ugu jirta baajinta dagaal dhex mara Puntland iyo Somaliland

Image

GAROOWE, Puntland- Xubno kasocday hay'adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha bini-aadantinimada ayaa dedaal ugu jira sidii maamullada Puntland iyo Somaliland uga baaqsan lahaayeen dagaal ku dhexmara gobolka Sool kaaso muddo ka badan 6 bilood ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabasan labada maamul.

Inkastoo beesha caalamka horay walaac uga muujisay xaaladda gobolkaas gaar ahaan deegaanka Tukaraq, hadana waxaa wali socda dedaal ay ku doonayaan sidii loo baajin lahaa dhiig mar kale daata.

Madaxa hay'adda Laanqayrta Cas (ICRC), Mr. Simon Brooks ayaa la kulmay madaxda labada maamul booqashooyin kala dambeeyay oo uu ku tagay magaalooyinka Hargaysa iyo Garowe.

Brooks oo kusoo horeeyay Garoowe ayaa shalay la kulmay Madaxweyne Gaas waxayna kawada hadleen xaaladda Tukaraq iyo maxaabiista labada dhinac ku kala qabsadeen dagaalkii kala dambeeyay ee ka dhacay Tukaraq, wixii ka dambeeyay markii Somaliland ay la wareegtay xaruntaas 08 Janaayo ee sannadkan.

Warar uu warsidaha Garowe Online ka helay ilo madax bannaan ayaa sheegaya in labada dhinac isla soo qaadeen sidii looga baaqsan lahaa dagaal mar kale ka dhaca Tukaraq inkastoo aan war rasmi ah laga hayn go'aanka ay isla gaareen wafdiga kasocday ICRC iyo Madaxweyne Gaas.

Laakiin war-saxaafadeed Puntland kasoo saartay kulankaas waxay ku sheegtay inay kawada hadleen arrimo la xariira bini-aadantinimada iyo sidii labada dhinac uga wada-shaqayn lahaayeen xaaladdaha ka jira Puntland.

Madaxweyne Biixi iyo Madaxa ICRC Somalia Simon Brooks

Dhinaca kale wafdigaas ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyagoo kawada hadlay xaaladda gobolka Sool.

War-saxaafadeed kasoo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in dhinacyadaas ay isla soo qaadeen hagaajinta xiriirka labada dhinac, maxaabiistii dagaalkii Tukaraq iyo in gobolka Sool laga dhaliyo xabad-joojin rasmi ah.

Somaliland waxay sheegtay in maxaabiistii dagaalka ay si wanaagsan ula dhaqantay islamarkaana ehelkoodii ay u ogolaadeen inay la kulmaan, iyagoo xusay inaysan marnaba suurto gal ahayn in la dhibaateen diiniyan iyo dhaqan Soomaalinimo intaba.

Waxaa kaloo maamulka Muuse Biixi sheegay inay hadalka kasoo yeeray madaxweyne Farmaajo ee xabad joojinta uu yahay mid ay soo dhaweeyeen horayna ay ugu baaqday Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, waxayna ku tilmaameen tallaabo horay loo qaaday.

Booqashadan iyo kulamadan ayaa kusoo aaday xilli uu baaqay safar Madaxweynaha Somaliland ku tagi lahaa Tukaraq iyo Ceel-afweyn oo katirsan Sool iyo Sanaag. Warar madax banaan oo uusan xaqiijin karin GO ayaa sheegaya in Muuse Biixi lagala taliyay booqashooyinka uu ku tagi lahaa goobahaas iyadoo laga cabsi qabo inuu dab kusii shido xasaradaha ka taagan meelahaas oo muddooyinkii dambe ka dhacayeen colaado qaabiil iyo mid u dhaxeeya labada maamul.

Dhawaan ayay ahayd markii hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Xasaradaha ay ka digtay dagaal mar saddexaad ka qarxa Tukaraq, waxayna beesha caalamka, midowga Africa iyo hogalka AMISOM ugu baaqeen inay qaadaan taallaabo deg deg ah.

Wararka ka imaanaya Tukaraq ayaa sheegaya in xaaladda guud ay degantahay balse ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan, taasoo sii kordhinaysa walaaca Beesha Caalamku ka qabto gobolkaas oo ay maamulkiisa isku haystaan Somaliland iyo Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM