Booliska Puntland oo qoondadooda laga siinayo deeqaha Midowga Yurub

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - La taliyaha sare ee Amniga Madaxweynaha Puntland Maxamad Cabdiraxman Maxamad oo ay weheliyaan la taliyaha Amniga & dowlad wanaagga Wakiilka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Thomas Kirchner iyo la taliyaha arrimaha siyaasadda xafiiska midowga Yurub ee gobolka fadhigiisuna yahay magaalada Nairobi David Korprla ayaa kormeer ku tagey Taliska Booliska Puntland ee caasimadda Garoowe.

Booqashadaas oo salka ku haysey u kuurgelidda arrimaha Booliiska, tageerada midowga Yurub qorsheynayo inuu siiyo barnaamijka dib u loogu dhisayo ciidanka Booliska Puntland ayaa waxay xafiiska Taliska kula kulmeen Taliye Xigeenka ciidanka Booliska Puntland Cismaan Xasan Cawke Taliye Xigeenka CID Cismaan Cabdi Maneeno iyo taliyaha qaybta Booliiska gobolka Nugaal Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Waftiga Midowga Yurub iyo la taliyaha sare ee Amniga Madaxweynaha Puntland ayaa warbixin ka dhegeystey saraakiisha ciidanka, waxa ay sheegeen iney jirto baahi loo qabo in ciidanka Booliiska Puntland qaybtooda ka helaan deeqaha midowga Yurub ugu talagaleen dib u dhiska ciidamada.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa wada qorshe dib loogu dhisayo ciidanka Booliska Soomaaliya, kaas oo la filayo inuu ciidamada shisheeye ee jooga koonfurta Soomaaliya kala wareegaan sugidda Amniga degaanadaasi, gaar ahaan sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM