Boqor Burhaan oo ka digey colaada Itoobiya, dureyna nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya [Daawo]

Image

QARDHO, Puntland- Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kula hadlay saxaafada magaalada Qardho ayaa ku tilmaamey iney yihiin wax laga xumaado rabshadaha ka dhacey Ismaamulka Soomaalida Itoobiya isagoo sheegey iney tahay nasiib daro dhacdey.

"Marka hore waxaan u soo jeedinayaa dowlada Federaalka Itoobiya iyo Raisal wasaaraha cusub waxyaalihii uu balan qaadey oo ay kamid ahaayeen in geeska Afrika nabad lagu wada noolaanayo, in khilaafaadkii jirey dhamaan wax ka qabanyo,waxyaalo badan ayaan dhageysaneyney, waxaan aad iyo aad uga xumaaney duulaanka qaawan dowlada dhexe ku soo qaadey dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya magaalada Jigjiga khaasatan, waxaan leenahay arintaas waa arin aan marna la aqabali karin ummada Soomaaliyeed meel kasta ay joogtana aad iyo aad ayey uga xun tahay." ayuu yir Boqor Burhaan.

Boqorka ayaa dadka Soomaalida meel kasta ay joogaan ugu baaqey iney midnimadooda adkeeyaan islamrkaana meel uga soo wada jeestaan dhib kasta oo soo wajaha isagoo xusey in ay tahay arin aan la aqbali karin qaabka dowlada Itoobiya uga hadashay khayraadka laga soo saarey dhulka Soomaalida Itoobiya, waxaana uu ku baaqey in dib looga noqdo go'ankaas oo ah mid dulmi iyo xaq daro ku fadhiya waa sida uu hadalka u dhigey.

"Dadka dagan dowlad degaanka waxaan leeyahay wadajirkiina ayaa wax ku nooqn kartaan, wax kasta oo khilaafa oo dhexdiina ku jira wadahadal ku dhameeya, waana in aad xooga saartaan sidii aan la idiin burburin." ayuu raaciyey hadalkiisa Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Mar uu ka hadlayey bur-burka soo gaarey dalka Soomaaliya iyo waxa laga faa'idey ayaa Booqr Burhaan waxaa uu yiri " Waad aragtaan Soomaaliya Sodon sano ayay mareysaa markii dowladii dhexe la burburey sharafteedii iyo karaamadeedii dhulka ayey ku dhacdey meel laga soo qabto ayaa la la'yahay, waqtigaan xaadirka ayaa 10 Calan iyo toban maamul iyo toban dowladood loo sameeyey, rajada laga qabo ilaahey baa khayr ka rajeyneynaa laakiin waad la socotaan."

Ma aha markii ugu horeysay ee boqor Burhaan Boqor Muuse uu duro nidaamka dowladnimo ee iminka ka jira dalka Soomaaliya kaas oo ku sheegey in sababtu tahay kadib markii bubur ku yimid nidaamkii dowladii dhexe ee Soomaaliya. Dalka Soomaaliya ayaa bur-burkii ka hor waxaa jirey nidaam ku dhisan dowlada dhexe oo awood badan leh kaasoo waxyeelo u gaystey hurumarka shucuubta ku nool degaanada ka fog magaalo madaxda iyo hareeraheeda.

Boqorka ayaa ugu dambeyn hadalkiisa ka digey dagaalada u dhexeeysa Oarmada iyo Soomaalida isagoo xusey in dowlada Itoobiya laga filayey iney coladaas xaliso balse badalkeeda ku soo duushey dhul nabad ah iyo magaalo nabad ah.

Warsaxafdeedka Boqorka oo ahaa mid isugu jira baaq nabadeed, guubaabin shacabka Soomaalida iyo mid siyasadeed ayaa ku soo beegmaya xilli dowlada Federaalka iyo maamulada kale ay Puntland kamid tahay aysan wax hadal weli kasoo saarin arimaha kasoo kordhay dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhinaciisa hadal uu soo saarey ugu baaqey shacabka mamaulkaas iney nabad galiyaan dadka la dagan isagoo dhinaca kale awaamiir siiyey ciidamada ka jooga xadka ay la wadagaan Itoobiya. Halkaan ka akhri 

HALKAN KA DAAWO WAR-SAXAFADEEDKA BOQOR BURHAAN BOQOR MUUSE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM