Bosaso: Madaxweyne Gaas oo booqdey dhowr xarumood

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

May 23, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday xarunta ay dawladda Puntland Boosaaso uga samaysay qaxootiga ka soo cararaya dagaallada ka soconaya dalka Yemen, Garoonka diyaaradaha Boosaaso,  xarunta ciidanka Birmadka Puntland iyo sidoo kale xarunta ciidanka Badda Puntland ee PMPF.

Ugu horeyn madaxweynaha ayaa booqday xarunta lagu soo dhaweeyo qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen, waxaana booqashadiisa ku wehliyey safiirka dawladda Yemen ee Soomaaliya Mr. Mansur Ali Rayash Al-imrani iyo qunsulka dawladda Ethiopia ee Puntland Asmalaash iyo xubno kale oo wasiirro iyo xildhibaano isugu jirey.

Madaxweynaha ayaa warbixino la xariira xaaladda qaxootiga ku sugan gudaha xarunta ka dhagaystay gudiga gurmadka oo ay dawladdu wakiilatay, maamulka xerada iyo qaar kamid ah dadka soo qaxay.

Gaas ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay in dhaqaalaha loogu soo dhiibo dadka masaakiinta ah ay uso gaarsiiyaan sida loogu talagalay.

Safiirka dawladda Yemen ee Soomaaliya Mr. Mansur Ali Rayash iyo qunsulka dawladda Ethiopia ee Puntland Mudane Asmalaash ayaa dawladda iyo shacabka reer Puntland si wadajir ah uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay gacanta iyo soo dhaweynta ugu sameeyeen walaalahooda ka soo cararaya dagaallada Yemen.

Madaxweyne Gaas ayaa intaas kadib booqday xerada ay duleedka magaalada Boosaaso ka dagan yihiin ciidanka Birmadka Puntland oo howlo laxiriira xaqiijinta amaanka Puntland kawada gudaha magaalada Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo ay ka socoto dhimaha dhabada ay diyaaraduhu ko ordaan ayuu kula kulmay maamulka iyo howlwadeenada wada howsha, waxaana ay warbixin buuxda ka siiyeen halka ay shaqadu marayso.

Madaxweynaha Puntland ugu dambeyntii wuxuu booqday xerada ciidanka badda Puntland PMPF ee gobolka Bari waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey maamulka iyo ciidamada ku sugan xarunta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Baareysa Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Dilay Oday Dhaqameed Gobolka Sanaag

Qoyska marxuumka ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku eedeynayay in odaygu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.

  • Puntland

    15-09-2025

  • 07:02AM

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM