Cabdi Qaybdiid oo go'aankiisii hore ka laabtay

Image

Sept 28, 2014 (GO)- Madaxwaynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xaafada Baraxleey ayaa ku dhawaaqay inuu ka laabtay go'aankii uu horay u qaatay ee ahaa inuu weerari doono garoonka diyaaradaha Gaalkacayo.

Sababta ayuu ku sheegay inay tahay garowshiyo la'aan y ka jirta dhanka Puntland, waxaana isagoo taas sharraxaya hadaladiisii kamid ahaa:

''Maanta oo ay tahay taariikhdu 28,  September Maamulka Galmudug wuxuu la laabtay xayiraadii uu kusoo rogay hawadda diyaaradaha, sababta aan ula laabanay waxay tahay kow garowshiyo la'aanta iyo danayn la'aanta diyaaradaha iyo khasaaraha ka imaan kara iyo colaad hurinta Pl ka muuqata iyo baaqii kasoo baxay R.W. Somalia Cabdiwali Sh. Axmed''.

Qaybdiid ayaa Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka ka codsaday in magaalada Gaalkacyo loosoo diro wafdi caalami ah oo xaqiiqo raadin ah si loo baaro xalna looga gaaro khilaafka soo kala dhex galay labada dhan Puntland iyo Galmudug.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in Puntland ciidamo hor leh kusoo daad guraynayso Gaalkacyo kuwaasoo sida uu hadalka u dhigay ujeedada laga leeyahay tahay fashilinta shirka mamul u samaynta Gobalada dhexe.

''Cabdiwali siyaasada cusub oo hadda uu lasoo baxay oo dagaalka ah...aigu waxaan maqli jiray dadkan waa madaniyiin waa ilbax dadka dibadda wax kusoo bartay, waa nasiib daro in saaka qori laga cel celinaayo dad aqoon leh oo ilbax ah oo aan is lee nahay iyadoo wax walba wada hadal lagu dhamayn karo''.

Maalmo kahor Galmudug waxay ku hanjabtay inay weerari doonto garoonka diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf, arrintaas oo xiisad xoogan ka abuurtay magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM