Ciidamada Madaxtooyada Puntland oo ka gadoodey Mushahar La’aan

Image

GAROWE (GO)- Waxaa saaka aroortii xarunta Madaxtooyada magaalo madaxda Garowe ku waabiriisatey ciidamaadii Madaxtooyada Puntland oo gabi ahaan hakiyey isu socodkii gadiidka galayey ama ka soo baxayey xafiisyada kadib markii ilaalada ku sugan cabasho ka muujiyeen mushahar la’aan iyo daryeel la’aan haysata.

Ciidanka ilaalada gaarka u ah Madaxweyne Gaas ayaa sida warsidaha Garowe Online ogaadey waxaa ay ka cabanayaan maalin kadib xuskii 20 guuradii aasaaska maamulka Puntland mushahar la’aan baahsan gaar ahaan sanadkaan oo aysan ka qaadan muddo 4 bilood ah.

Saraakiisha Madaxtooyada Puntland ayaa la arkayey oo ku mashquulsan xalinta Gadoodka ciidankaan iyagoo markii dambe ku guuleystey iney fasaxaan gadiidkii, waxaana la sheegayaa in gudaha uu ka socdo shir lagu xalinayo cabashadaas kaasoo u dhexeeya madaxda ciidamadaas iyo xubno ka socda xafiiska Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas oo khudbad ka jeediyey munaasabad loo qabtey aasaaskii Puntland ee 1 August markii 20 sano jirsatey ayaa ku faaney in maamulka uu madaxda ka yahay gaarey guulo la taaban karo. Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Puntland ayaa 20kii sano ay Puntland jirtey ku soo koobey waxqabadkii loo sameeyey maamulkaan 4.5 uu xilka hayey.

Dhinaca kale Gadoodkaan ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii RW Soomaaliya ka dhoofey magalada Garowe kadib markii booqasho Todobo cisho qaadatey ku kala bixiyey qaar ka tirsan degaanada Puntland.

Ciidamada amniga Puntland ayaa qayb ka ahaa ilaalinta amniga wafdigaas kuwaas oo aan shaqo aan kala joogsi laheyn ku sugayey amniga madaxda iyo guud ahaan magaalooyinka ay ku suganaayeen.

Cabdiweli Gaas ayaa wax natiijo oo la taaban karo ka gaarin booqashadaas iyadoo labada kulan ay wada yeesheen golayaasha xukuumada Hasan aan isla gaarin qodobo muhiim ah oo wax ka taraya hurumarka Puntland iyo geedi socodka hirgalinta nidaamka Federaalka Soomaaiya.

Ra’isal wasaare Khayre ayaa dhinaciisa ku tilmaamey in booqashadii Puntland uu ku yimid ay guul aheyd kadib markii uu ogaadey sida dadka Ku nool maamulkaan tageero balaaran ugu hayaan nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey: Xalaada ayaa weli daganeyn iyadoo wararku sheegayaan in ciidamada marna xanibayaan gadiidka galaya Madaxtooyada Garoowe halka ay hor-tuusan yihiin iyagoo kooxo kooxo ah afaafka hore halka laga galo xafiisyada Madaxtooyada.

Warkaan ayaa waxaa ku darey wararka kale oo ku soo kordhay xalaada ka taagan xarunta Madaxtooya Puntland.

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM