Gaas oo warbixintii 20 sano guuraadii Aas-aaska Puntland ku koobay mudadii uu xafiiska joogay

Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa xalay khudbadii uu ka jeediyay 20 sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska Puntland oo uu ka qaybgalay Ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre iyo xubno katirsan golayaasha dowladda Federaalka, wuxuuu diiradda ku saaray waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xafiiska joogay oo gaaray 4 sano iyo bar.

Dabaal daggan ayaa ka duwanaa kuwii hore, waxaana shacabku sugayeen ka sheekaynta waxyaabihii la gaaray 20 sano kadib, wixii laga gaabiyay iyo halka mustaqbalka la hiigsanayo.

Inkastoo uu furitaankii khudbadiisa ku sheegay mudane Gaas ka sheekaynta arrimahaas, hadana hadal jeedintiisu ma dhaafin wixii ay qabatay xukuumadda uu hogaamiyo.

“Mudanayaal iyo Marwooyin Puntland waxay in muddo ah u jeedsatay inay xoojiso dib u dhiska hay’adaha dowliga ah, Amniga iyo in shacabka Soomaaliyeed ee 4ka Milyan ah ee ku nool Puntland noloshooda wax ka badalno,” ayuu yiri Gaas.

Wuxuu sheegay in Puntland la aas-aasay 1998 iyadoo hadafku ahaa in dadka ku nool dhulkan ay helaan nabad galyo iyo maamul ka saara dhibkii waqtigaas uu galay dalka Soomaaliya iyadoo uusan qorshuhu ahayn in laga tago Soomaalinimo.

“Mudanayaal iyo Marwooyin afartii sano iyo barkii lasoo dhaafay Puntland waxaa u hirgalay wax badanoo hormar ah duruufo kastoo jiray, maanta waxaa shaqaynaya saddex Madaar oo Caalami ah, dhismaha iyo ballaarinta dekedaha, waddooyinka iyo jidadka magaalooyinka dhexmara iyo maalgalin dhinac Tiknoolajiyadda ah,” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu sheegay inuu kordhay wax soo saarka Beeraha, Dhoofka Xoolaha, Kalluumaysiga iyo khayraadka kale ee ku duugan maamulkan. Dhinaca Arrimaha bulshada ayuu xusay in maamulkiisu wax badan ka qabtay gaar ahaa, waxbarashada iyo caafimaadka.

“Dhinaca arrimaha bulshada Puntland waxaa ka furan Jaamacado, Machadadii ugu badnaa oo aan hubno inay soo saarayaan jiil aqoon leh oo ka hufan Xagjirnimo, dhibaataynta dadkooda iyo dalkooda,” ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa si jilicsan uga hadlay arrinta gobolka Sool oo muddooyinkii dambe xiisad culisi ka taagnayd tan iyo horaantii sannadka.

“Waxana rabaa inaan ka hadlo arrinta Xasaasi ah oo ku saabsan gobolka Sool. Gobolka Sool dhibta siyaasadaysan ee dhul Kufsiga ah ee lagula soo duulay Puntland Aqbali mayso wayna difaacaysaa, waxaana xusid mudan in shacabka Puntland ay muujiyeen midnimo iyo walaatinimo ay u muujiyeen walaalahooda reer Sool.” Sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Puntland.

Wuxuu kaloo carrabka ku dhuftay in dedaalo nabadeed oo lagu waday in gobolka looga dhaliyo ay fashilmeen.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli Madaxweynaha Puntland laga dhowrayay inuu xalay ka hadlo guuliyii la gaaray mudadii uu maamulkan jiray, arrimaha la hiigsanayo iyo waxyabaha laga gaabiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM