Daacish iyo Al-Shabaab oo dagaal qaraar ku dhexmaray gobolka Bari

Image

BOOSAASO, Puntland - Dagaal culus, oo u dhaxeeya kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ayaa markale ka dhacay gobolka Bari, kaasoo ay kasoo baxayaan warar dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ka qarxay saaka oo Jimco ahayd tuuladda Afgaraar, oo qiyaastii 80-KM dhanka Bari uga beegan magaaladda Boosaaso.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday dagaalka hubka culus iyo midka fudud, iyadoo dhawaqay gantaallada garbaha laga gano iyo qaraxyo laga maqlayay nawaaxiga Tuuladda.

Isgaarsiinta ayaa laga jaray Tuuladda Afgaraar intii uu dagaalka socday, waxaana lagu soo waramayaa in khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhawac uu labada dhinac kasoo gaartay colaadda.

Waa markii 3aad oo Al-Shabaab iyo Daacish ku dagaallamaan dhulka buuralleyda ah ee dhinaca bari ka xiga magaalada Boosaaso, gaar ahaan nawaaxiga degaanka Dhaadaar sanadkan, halkaasi oo ay labada kooxood ku xoog badan yihiin.

Dowladda Puntland ayaan wali ka hadlin dagaalladda u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Daacish ee ka dhacay duleedka Boosaaso, balse Madaxweyne Deni ayaa doorashadiisii kadib balan qaadey in kooxaha argagaxida laga sifeynayo guud ahaan gobolka.

Daacish iyo Al-Shabaab ayaa ku dagaalamaya qaadista lacagaha baada ah ee ay kusoo rogeen ganacsiga Boosaaso, iyadoo sidoo kale khal-khal ku haya amniga Puntland.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Qaramada Midoobay oo ammaantay doorashadii taariikhiga ahayd ee Puntland ka dhacday

Doorashooyinkan ayaa muujinaya in Puntland ay ka gudubtay nidaamkii qabiilka ee markii hore lagu soo xuli jiray xubnaha golaha deegaanka.

  • Puntland

    25-07-2024

  • 09:39AM

Dhabancad oo loo magacaabay Wakiilka Arrimaha Siyaasada iyo Xiriirka Caalamka Puntland

Magacaabidan ayaa lagu shaaciyay barta Facebook ee Madaxtooyadda dowladda Puntland.

  • Puntland

    20-07-2024

  • 08:16PM