Deni iyo Qoor-qoor oo is-afgarad ku gaarey Gaalkacyo

Image
Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug ayaa go'aano kasoo saarey kulankii ay Khamiista maanta ah ku yeesheen magaaladda Gaalkacyo ee caasimadda gobolka Mudug.

Saciid Cabdullaah Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa isla meel-dhigay xoojinta iskaashiga ammaanka iyo xalinta tabashooyinka ka taagan coddeynta sanadka 2020-21.

Go'aanada kasoo baxay shirka oo todoba qodob ah ayaa kala ah;

1) Shirku wuxuu tacsi u dirayaa dhamaan intii ku dhimatay qaraxii argagixisada ee 19kii December 2020 ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan Saraakiishii, Masuuliyiintii iyo shacabkii ku dhintay.

2) In Galmudug iyo Puntland ay iska kaashadaan xoojinta amniga gudaha labada Maamul iyo la dagaalanka Argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.

3) In la adkeeyo nabadda iyo nabadeynta bulshada ka kala tirsan Galmudug iyo Puntland.

4) In la dhiiri galiyo, lana xoojiyo iskaashiga horumarinta dhaqaalaha, isu socodka ganacsiga iyo iskaashiga dhismaha hay’adaha dowliga ah.

5) Dowladaha Galmudug iyo Puntland waxay markasta diyaar u yihiin dadaal kasta ee loo dhan yahay ee lagu gaari karo hirgalinta doorashada 2020/2021. Sidaa darteed ayadoo la dhawrayo heshiiskii lagu gaaray 17kii September 2020 Magaalada Mogadishu, Dowladaha Galmudug iyo Puntland waxay ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen dhinacyada ku kala aragtida duwan hanaanka qabsoomidda doorashada.

6) Shirku wuxuu ugu baaqayaa dhamaan Ummadda Soomaaliyeed in la illaaliyo midnimada, amniga iyo xasiloonida Dalka, lagana fogaado wixii keeni kara xasilooni darro iyo khal khal amni.

7) Shirku wuxuu ka mahad celinayaa taageerada Beesha Caalamka ee dhismaha dowladnimada Soomaaliya, arrimaha bini’aadantinimo iyo horumarinta dhaqaalaha. Shirku wuxuu ugu baaqayaa Beesha Caalamka inay gacan ka geystaan qabsoomidda doorasho.


Deni oo war-fidiyeenka u waramay shirka kadib ayaa hoosta ka xariiqay in wadahadalkan uu yimid "markii madmadow uu soo galay heshiiskii ay shirkan shirkii ka horeeyay ku yeelanay halkan [Gaalkacyo].

"Waxaan ka codsaneynaa uguna baaqeynaa dhinacyadda oo dhan in laga wada qeyb-qaato sidda ku dhamaan lahaayeen [tabashooyinka] doorashadana si hab-sami leh ayaan ugu geli lahayn," ayuu Qoor-qoor ka yiri shir jaraa'id oo uu ay si wadajir ah u qabteen Deni kadib dhamaadka wadahadalka.

Qoor-qoor ayaa intaas ku daraya in ay ka shaqeyn doonan in tabashooyinka taagan xal loo helo "iyadda oo la dhowrayo laguna dhaqmayo heshiiskii September kadib Dhuusamareeb 1,2, iyo 3".

Arrimaha ugu culus ee la isku hayo kuna saabsan doorashooyinka 2020-21 waa guddiyada maamulaya coddeynta oo Villa Soomaaliya faragelisay iyo ciidamadda dowladda ku daabushay gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM