Deni oo eedeymo culus u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaciyey in Al-Shabaab ay noqdeen "dad la adeegsado" isagoo tibaaxay in uu baaritaano ku socdo weeraradii Garowe iyo Gaalkacyo.

Qaraxyadaas is-miidaaminta oo Al-Shabaab ay qaadatay mas'uuliyadooda waxaa lagu dilay gudoomiyeyaashii gobolada Nugaal iyo Mudug.

"Runtii waxaad og-tihiin gudoomiyihii ka horeeyay ee Gobolka Banaadir waa la dilay isagana illaa iyo hadda humaag baa ku jira sababtii loo dilay iyo wixii ka dambeeyay, tuhun baan ka qabnaa in Al-Shabaab ay noqdeen dad leyska adeegsado oo gacmo kale iyo dano kale ay adeegsadaan, sidda horey mararka qaarkood jariiradaha caalamka ay sidaas u sheegeen; beegsiga muddo laba bilood ka yar in laba gudoomiye oo Puntland ah in loo qasdo qorshaha intaas la eg sheegato Al-Shabaab oo ay fuliyaan; baaritaan baan ku wadnaa, tuhuna waa nagu jiraa," ayuu ku yiri wareysi uu siiyey BBC-da, 22, May, 2020.

Deni oo kadib ismiidaamintii Gaalkacyo hadlay ayaa tibaaxay in Puntland ay ku socdaan "weeraro hadafyo iyo wejiyo kala duwan leh kuwaas oo lagu diidan yahay degaanshiyaha". Eedeyntaas ayuu fahfaahiyey markan.

"Dabcan, cadowga Ummadda Soomaaliyeed iyo cadowga Puntland waa ay badan yihiin, waana ay noocyo badan yihiin, laakiin cid kasta oo deganaanshiyaha iyo nabad-gelyadda dal degan oo nidaam, maamul iyo kala dambeyn leh falalkaas ka fulisa waa cadow, marka cadowgaas annaga nooma kala soocna, cadowgaas waxaan rajeynaynaa in aan ka gungaarno oo aan wax ka qabano [Insha Allah]," ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha dowlada Puntland.

Sidoo kale, wuxuu sharaxaad dheeri ah ka bixiyey eedeyn kale oo uu jeediyay taasoo ahayd in la wiiqayo nidaamka federaalka iyo kala dambeynta.

Xukuumadda federaalka ayuu ku eedeeyay in ay siyaasadeneyso arrimo uu ku jiro Coronavirus iyo siddii guud ahaan dalka looga ciribtiri lahaa. Dowladda waxay qaybo kamida Puntland geysay gargaar iyaddoo fasax qaadan.

Dowlada oo lala xiriiriyey weerarada madaafiicda Xalane

"Waxaaa kamid ah dowladda federaalka. Waxyaabaha ay sameyneyso waxaa kamid ah in madaxda Puntland iyo maamulkiisa aysan si toos ah ula xiriirin waxay isku dayeysaa in bulshada, degaanada iyo dad gaar ah ay si toos ah ula xiriirto taas waa mid ka hor-imaaneysa nidaamkii dowlad dhiska ee Soomaaliya ku socotay, maxaa yeelay bulshadda Puntland in aan u adeegno annagaa maalin iyo habeen u taagan; maamul 21-sano jir ah oo leh hay'addaha fulinta dhamaan gobolada, heer degmo, heer tuulo iyo dowlad state-ba diyaarna u nahay in ay Ummadahooda u adeegaan," ayuu caddeeyay, isagoo Puntland ay hor-muud u tahay la dagaalanka safmarka dilaaga ah ee Covid-19 oo waddanka ku faafay.

Mar la su'aalay in uu daaha ka rogo caddeymaha eedeynta, madaxweyne Deni wuxuu ku adkeystay in uu "meel munaasab ah kusoo bandhigayo".

Xilli uu adkeeyay in coddeynta 2020-21 ay waqtigeeda ku dhacdo, dowladda federaalka ayuu ku eedeeyay in ay kasoo horjeedo wadahadal laga galo iyo in aysan si siman u qaybin kaalmada deeq-bixiyeyaasha caalamka.

Si lamid ah, wuxuu ku eedeeyay isku dayo ay wakiiladda Beesha Caalamka uga hor-istaageyso in ay caawiyaan dadka Soomaaliyeed.

"Ciddii hadasha in wax ka yeelo. Waxaad arkeysaa Xalane [fariisinka ugu weyn ee diblumaasiyiinta caalamka ku leeyihiin Muqdisho] hadii aragti ku duwan [Saaxiibadda Caalamka] soo gudbiyaan hoobiyeyaal lala dhacayo. Waxaas oo dhan waa wax mugdi ah oo hareereynaya dowladnimada sidda loo doonayo. Marka tuhun badan baa jirta oo aan rabo in aan ooda ka qaadno oo muddo aan jeclayn in aan hoos u xalino, laakiin waxaan moodaa habka dalka u socdo waa hab khatar ah oo dhiilo mudan oo u baahan in dadka Soomaaliyeed ay talo ka gaaraan," ayuu hoosta ka xariiqay, isagoo u garaabay daneeyeyaasha dunida.

Gabagabadii, Deni oo ka gaabsaday in uu carabaabo in ay jiraan cid gaar ah oo ka tirsan Beesha Caalamka oo diidan dhismaha ciidamadda Puntland ayaa ku dhaleeceeyay xukuumada "gacan-bidaxeynta Hooyada Federaalka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM