Deni oo gudoomiyey Shirkii ugu horeeyay ee Wasiiradda Puntland [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha cusub ee Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah shir gudoomiyey markii ugu horeysay Kulanka Gollaha Wasiiradda, oo ka dhacay magaalada Garowe.

Shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan, madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey.

Inta uu socday Kulanka, oo intiisa badan is-barasho ahaa ayaa looga hadlay marxaladda kala guurka ah iyo sidii loo amba-qaadi lahaa Horumarka Puntland, kadib markii dhawaan la doortay hogaan cusub, oo bedelaya maamulkii Cabdiweli Gaas.

Madaxweyne Deni ayaa balan-qaadey isbedel cusub, oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, isagoo sidoo kale ugu baaqey shacabka inay gacmaha is-qabsadaan, oo ka shaqeeyaan horumarka Puntland.

Madaxweynaha cusub ayaa la filyaa inuu dhawaan si rasmi ah xilka ugala wareego Gaas, isagoo maalintii la doortey hakiyay in lacag lagala baxo akoonada dowladda uga furan Bangiga Puntland iyo shirkadaha Xawaaladaha gaarka loo leeyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM