Deni oo ka hadlay qaraxii Garowe iyo geerida gudoomiyihii gobolka Nugaal

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo si adag u cambaareeyay qaraxii ka dhacay agagaarka saldhiga booliska Garowe kaasoo lagu beegsaday mas'uuliyiin ayaa ka tacsiiyey geerida gudoomiyaha gobolka Nugaal.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay in Deni uu bogaadiyey talaabada deg-dega ah ee ciidamadda kaga hortageen "gabood-falkaas uu cadowga la damacsanaa shacabka iyo masuuliyiinta".

Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi [Gu'jir] ayaa u dhintay dhaawac kasoo geeray is-miidaamintaas ay dusha saaratay Al-Shabaab, xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisadda ah ee loo yaqaano Al-Qaacida.

Hoos ka akhriso bayaanka

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya macagaca Dowladda iyo kan Shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) oo arxan laawayaasha cadawga ummadda Soomaliyeed gaadmo ismiidaamin ah dhaawac kasoo gaadhay hadda u geeriyoodey.

Guddoomiyuhu waxa uu gudanaayey waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa, waxaana uu ku sugnaa xilligaasi Saldhigga Dhexe ee caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe.

Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu si kulal u cambaaraynayaa falkaasi argagixiso ee lala beegsaday Saldhigga Dhexe ee Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe.

Waxa uu Madaxweynuhu Alle "SWC" uga baryayaa intii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey ka hortagga deg degga ah ee ay ciidamada Puntland kaga hortageen cadawga gabood falkaasi la damacsanaa shacabka iyo masuuliyiinka waajibaadkooda shaqo gudanaayey.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM