Deni oo ka warbixiyey kulan uu la yeeshay danjiraha Ingiriiska

Image
Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa wuxuu ka warbixiyey kulan uu magaalada caasimadda ah ee Nairobi kula yeeshay safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Deni oo booqasho shaqo ku jooga dalka Kenya, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay, ayaa todobaadkan kasoo kicitamay magaalada Boosaaso.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa fahfaahin looga bixiyey qodobada looga hadlay kulanka danjire Ben Fender Obe.

"Waxaan kulan casho ah kula qaadanay Danjiraha Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) u fadhiya Soomaaliya, mudane Ben Fender Obe," ayaa lagu yiri bayaanka oo Garowe Online uu arkay.

Britain ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhow la ah Soomaaliya gaar ahaan Puntland kana fuliya mashaariicyo badan oo muhiim ah.

"Waxaan ka wada hadalnay mashaaricda Ingiriiska ee horumarined ee taabanayso dhinacyada caafimaadka xoolaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha," ayuu ku daray qoraalka xafiiska Deni.

Warka qoraalka ayaa kusoo gabagabeeyay: "Waan uga mahadcelinaaya mudane Ben Fender kulankiisa".

Kulankaan ayaa qayb ka ah shirar kala duwan oo madaxweynuhu la qaatay saacadihii lasoo dhaafay wakiilada caalamka ee Soomaaliya, kuwaasoo uu kala hadlay arrimo quseeya mustaqbalka wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee u dhacay howlgalkii ciidanka Mareykanka ee Baalade – Gobolka Bari?

Sidee u dhacay howlgalkii ciidanka Mareykanka ee Baalade – Gobolka Bari?…

  • Puntland

    30-11-2025

  • 04:15AM

Wasiir Dirir Oo Ku Eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay wadashaqeyn kala dhaxeyso Al-Shabaab

Dowladda federaalka Soomaaliya weli kama aysan jawaabin eedeymaha cusub ee Wasiirka warfaafinta Puntland.

  • Puntland

    25-11-2025

  • 12:52PM