Deni oo ku booriyey haweenka in ay soo bandhigaan tacadiyada loo geysto

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xirey Shirweynaha Haweenka Puntland oo Afartii maalmood ee ugu dambeyey ka soconayey magaalada Garoowe.

Madaxweyne Deni oo soo xiray Shirweynaha Haweenka Puntland ayaa khudbad uu jeediyey ku dheeraaday sida ay Haweenka Puntland laf-dhabarta ugu yihiin dhismaha Dowladnimo ee ka hanaqaaday Puntland, waxaa uu soo dhoweeyey dhammaan qodobada kasoo baxay shirka.

"Waan ku faraxsanahay codka Haweenka Puntland inuu si cad oo aan qarsoodi lahayn bannaanka u yaallo uu Tiraab iyo Tixba ku yaalo, waa horumar iyo guul aan u rajaynayo Haweenka Puntland, waxaan ku faraxsananay dhowrkii maalmood ee aad joogteen waxyaaba ka soo baxay shirkan''

"Waxaan rabaa inaan aad u xuso, tacadiyada gabdhaha loo gaysanayo aad baan ugu xunahay dhammaanteen xaqiiqdii, oo dumarka aan ku ahayne ceebta ugu weyn ay Ragga haysato, maxaa yeelay gabdhohoodii, Xaasaskoodii iyo Ciyaalkoodii iyo Walaalohood xad gudubka lagu samaynaayo cid aqbalaysa ama ogol ma jirto"

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in Puntland shacab iyo dowladba si wadajira looga dhiidhiyey falalka kufsiga ee foosha xun, waxaana uu xusay Madaxweynuhu inaanay falalkani Puntland oo keliya ku koobnayn.

"Waxaa ii muuqata in Puntland keliya uusan ku koobnayn ee dalka Soomaaliya oo dhan aad uga jiro. Waxaa Puntland gaar ka ku ah ayaa ah inay ku dhiiradeen gabdhihii reer Puntland inay codkooda kor u qaadaan, is bedalku waa intaas, inaysan Hooyadu gabadheeda wixii lagu sameeyay waa ceeb weeye aysan orane qarin, Dacwooto, Maxkamadaha keento, Ciidamada lasoo xiriirto, Media la xiriirto".

"Waxaan aaminsanahay waa guul iyo Horumar, uma aragno dhaleecayn iyo dhib, waxaan qabaa waxkasta oo dhib ah oo dhacay inaynaan qarsan, waayo waxaa qarsatid waa ku qarsadaan, marka waxaan qabaa dhibaatada jirta inaan bannaanka keeno". ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Munaasabadda soo xiritaanka Shirweynaha Haweenka Puntland waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka Sahro Cabdi Xirsi Qaar kamid ah Golaha xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Puntland State House + GO

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM