Dhooba Daareed oo beeniyay in uu khilaaf u dhaxeeyo hogaanka Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Afhayeenka Golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu "war-suuqeed iyo wax aan waxba ka jirin" ku sifeeyay wararka sheegaya in uu khilaaf u dhaxeeyo hogaanka ugu sareeya maamulkan.

"Sideedaba wararka suuqa yaalaa ee lala wareegayo iyo wararka yaala Golaha waa kala duwan yihiin…annaga waxa aan ku shaqeyno waa wararka Golaha yaala, mas'uuliyiin baan nahay dalka waan u dhaaranay," ayuu xusay.

Cabdixakiim Axmed Maxamed [Dhooba Daareed] oo u waramay BBC-da ayaa si gaar ah wuxuu meesha uga saarey in isaga iyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu ka dhaxeeyo ismaandhaaf.

"Mararka qaar way dhacdaa in dadku wax kala fahmaan, laakiin ma ogi wax is-hayn ah oo aniga iyo madaxweynaha naga dhaxeeya, wax dhibaato ah oo na dhex-taagan ma ogi, isna inuu og-yahay u maleyn-maayo," ayuu ku daray.

Jawabata Dhooba Daareed ayaa timid xili dhowaan mudane ka tirsan Aqalka uu fadhiga ka sheegay jiritaanka warkaas.

Dib u eegis

"Saddex kursi baa ugu sareeysa waddanka…madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka in ay isku mid yihiin waa wax sax ah…waana arrin iyada nafteeda dib u eegis u baahan," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "….xitaa u baahan dhisidii Puntland wax ku saleysan taaban doonta. Waxaan waan awood qeybsi, awoodana ma kala hooseyso, xitaa hadii kuraastu kala koreyso, codadkooduna waa kala koreyn karaa".

Dastuurka dowladda Puntland ayaa wuxuu qeexayaa awoodaha ay kala yihiin hay'addaha dowliga ah iyo madaxda.

"…laakiin Dastuurkana cid baa qortay wax [xagga ALLE] ka yimid ma ahayn," ayuu ku daray. "Waa arrin taaban doonta wax qeybsigii iyo awood qeybsigii Puntland, dadkii dhistayna baa kawada hadli doona," ayuu tibaaxay.

Gudoomiye Dhooba Daareed ayaa meesha ka saarey in qaddiyadan uu isaga wax ku xasaradeynayo "goluhuna wax ku xasaradeynayo. Waa xaq in kuraasto isku mid noqoto ama oo hoos layskugu keeno ama kor la isugu geeyo".

Farogelin

Isaga oo hadalkiisa sii wata Mr Dhooba Daareed ayaa wuxuu si adag gaashaanka ugu daruuray "in uu ka walwalsan yahay mooshin xilka qaadis oo laga gudbiyo".

"Aniga wadnaha farta kuma hayo. Kursigan hadaf aan gaarey buu ahaa. Ma caashaqsani in aan yiraahdo kursigan fadhinayaa, laakiin waxaan aaminsanahay in mas'uuliyada aan qaadey Umadda ugu shaqeeyo kuna metelo".

Xildhibaanada ayuu u sheegay "in hadii ay ii arkaan in aaney hogaamin karin ama shaqada ay ii igmadeen aanan ku filneyn iyagaa ii sheegi karaya, cod-bey ii qaadayaan, waana kasoo degayaa xaga dambaan fadhiisanayaa".

Mr Dhooba Daareed ayaa si cad wuxuu daboolka uga qaadey in aysan aqbali doonin farogelin kaga timaada meel ka baxsan Puntland oo lagu khal-khal gelinayo xeer-dejinta si looga fusho dano gaar ah.

"Laakiin iyaddana mid ma yeeli doono, goluhuna ma yeeli doono aniga ma yeeli doono, in golaha cid ka baxsan ama suuqyadda joogta ama dano kale ka leh Puntland in iyadda ay khal-khal soo geliso golaha oo faraha lasoo gasho".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM