Faahfaahin: Siduu u dhacey dilkii loo gaystey Suldaan Bashiir Koonte?

Image

BOOSAASO- Alle ha u naxariisto Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo ka mid ahaa isimadda Puntland ugu caansan ayaa nin hubaysan ku dilay Masjid ku yaalla Magaaladda Boosaaso maanta oo Jimco ah.

Suldaanka ayaa ninka toogtey waxaa uu ku dhex diley gudaha Masjidka Mubaarak oo ku yaalla Xaafada Laanta Hawada ee magaalada Boosaaso, xarunta ganacsiga Puntland.

Suldaan Bashiir ayaa soo gaarey dhaawac culus, oo loola cararay Isbitaalka, halkaasi oo markii dambe ku geeriyoodey.

Ninka toogtey Suldaan Koonte ayaa sida warsidaha Garowe Online u sheegey goob jooge,  waxaa uu kamid ah dadka kaca markii khudbada Jimacaha bilaameyso kuwaas oo dadweynaha Salaada oogaya ka ururiya kutubta Quraanka ay akhrisanayeen.

Wararkaan ayaa sheegaya in ninkaan uu kor istaagey Marxuumka isagoo xabad madaxa kaga dhuftey halka uu kitaabkii uu akhrisanayey ka qaadi lahaa taas oo sababtey inuu isla goobta ku dhinto.

Goob joogahaan ayaa sheegey sidoo kale in xabada markey dhacdey dadkii Masjidka ku jirey iridaha ka baxeen, waxeyna sahashey in gacan ku dhiiglihii goobta ka baxsado.

“AHN Suldaanku waxaa uu fadhiyey goob u dhow mid kamid ah iridaha Masjidka, waxayna sahashey in gacan ku dhiiglihii dadkii cararey kala baxo irida .” Sidaas waxaa GO u sheegay qof ku sugnaa masjidka oo diidey magaciisa in aan xusno.

Ilaalada Suldaanka oo ku sugneyd gudaha masjidka ayaa waxaan u suurtagalin iney wax talaabo ah ka qaadaan qofka falkaan gaystey markii lagu jirey gudaha masjidka balse baacsadey gacan ku dhiiglihii inkastoo qaban waayeen.

Ilaahay Naxariistiisa janno ha siiyo Suldaan Bashiir oo magaalada Garowe ku sugnaa intii doorashada ka socotey Puntland ayaa ka mid ahaa isimadda sida weyn looga yaqaan Puntland, gaar ahaan gobolka bari oo uu degaan ahaan ka soo jeedey.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM