Fahfaahin: Khasaaraha Qaraxii Boosaaso oo kordhay [Dhageyso]

Image

BOOSAASO, Puntland - Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax saaka ka dhacay magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari kaasi oo lala eegtay Askar katirsan ilaalada Madaxtooyada Puntland.

Sida Warsidaha Garowe Online ay u xaqiijiyeen Sarakiisha ciidamada amniga Boosaaso ugu yaraan 8 ruux, oo lix kamid ah ay yihiin Askar ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo ka dhacay wadada Netko, oo kamid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada.

Qaraxan ayaa ka dhashay miino dhulka lagu aasy oo lala eegtay ciidamo ka tirsan Puntland, kuwaasi oo wadada xiray weerarka kadib, iyadoo wararku ay sheegayaan in rasaas ay rideen ay dhowr qof oo shacab ah ku dhaawacmeen.

Askarta dhaawacmay waxaa ku jira saddex Askari oo dhaawacoodu uu culus yahay, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka guud ee magaalada, sida uu GO u xaqiijiyay mid kamid ah howlwadeenada caafimaad. Halkan ka akhri.

Duqa degmada Boosaaso Yaasiin Mire oo goobta gaarey ayaa ka hadlay qaraxa, isagoo xaqiijiyay in lala eegtay ciidamo howlgal shaqo ku jiray abaare 8:40 a.m. subaxnimo waqtiga Soomaaliya, wuxuuna xaqiijiyay in lix Askari iyo labo Shacab ah ay ku dhaawacmeen.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa Boosaaso uu kusoo beegmaya, xilli uu xiran yahay maalintii labaad Ganacsiga magaalada, sababo la xiriira khilaaf xal loo waayay oo u dhaxeeya dowladda iyo Gancsatada kaasi oo ku qotama Tariifo lagu kordhiyay Khidmada Badeecooyinka Dekedda kasoo daga. Halkan ka akhri.

Khilaafka ka taagan hadda Dekedda waxa uu caqabad ku yahay dhaqan-galka Heshiiskii dowladda Puntland la gashay bishii April ee sanadkan Shirkadda laga leeyahay Imaaraadka ee P&O Ports taasi oo maalgelin ku kacaysa 336 Milyan oo Doolar, lacagtaasi oo lagu ballaarinayo furdada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM