Puntland oo ka hadashey qiimaha lagu kordhiyey Badeecadaha Dekada [Daawo]

Image

BOOSAASO, Puntland - Agaasimaha guud ee Wasaarada Dekadaha Puntland Cabdixamiid Samatar Jafaan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegey khidmadaha lagu kordhiyey badeecadaha kasoo daga dekada Boosaaso isagoo xusey in ay tahay midda ugu lacag jaban marka loo eego dekadaha kale ee dalka ka jira.

Jafaan ayaa hadalkiisa ku sheegey in cabashada Ganacsatada ku diidan tahay kordhinta khidmadaha ay tahay mid marin-habaabin ah ujeedooyin kalena laga leeyahay.

" Sidaas ogtihiin dowlada Puntland waxay heshiis la gashey shirkad balaarineysa dekada waxaa qorshuhu yahay in lagu daro 450 mitir iyo dhamaan adeegyadii dekad lahaan jirtey oo ah in la dhameystiro taas marka ay timaado sidaad la socotaan 12 bisha Oktoober waxaan wareejinay dekada, wuxuuna qirshuhu ahaa in Tarifaha cusub bilowno 28 Oktoober, Tariifihii cusbaa markaan sameynay waxaa ka timid cabasho, waxaan sameeyney, waan la shirney Ganacasatadii shirar badan ayaan la qaadanay aan ka yareyn ilaa Sagaal oo labo kamid ah ka dhaceen Rugta Ganacsiga aan ugu tagney meeshooda, waxaan isla afgaraney 11 qodob ayey ka cawdeen, 10 kamid ah go'aan ayaa ka gaarney marka qodobka lacagta laga reebo oo isagu waqti badan qaatey."

Cabdixamid Jaafaan oo sharaxaad ka bxinaya khidamadaha cusub oo Ganactadu diidey ayaa sheegey in raashinka markii hore 1Ton u qorsheeyeen in laga qaado 5 dollar balse ka dhigeen 0.8 cents oo u dhiganta in Halkii Kiish oo raashin ah ku kororto 1000 Sh.So. Shidaalka oo kale waxaa uu ahaa in aan 5 dollar ka qaadno, qiimaha cusub waxaa uu sheegey Agaasimaha Wasaarada Dekadaha 2 dollar nooqnayo Halkii Tan ooo shidaal ah, isagoo xusey in Halkii Fuusto noqoneyso 0.4 Cents ( 10,000 Sh.So Fuustadii).

Wasaarada Dekadaha Puntland ayaa warsaxafdeedkaan dhinaca kale ku soo bandhigtey khidmadaha dekadaha kale ee dalka ka qadaan badeecadaha kuwasoo ku shegey in marka la is-barbardhigo dekada Boosaaso ugu jaban tahay.

Is-bar-bardhiga khidmadaha laga qaado dakadaha dalka.

Hadalka Agaasimaha ayaa imaanaya xilli maalintii labaad xiran tahay dekada magalada Boosaaso kadib markii ganacstada ka biyo diidey khidamadaha cusub ee lagu kordhiyey badeecadaha dekada kasoo dagaya.

Shirkada P&O oo iyadu heshiis la gashey dowlada Puntland kaasoo 12 Oktoober, 2017 lagu wareejiyey dekada magaalada Boosaaso ayaan weli ka hadlin xirnaanshaha dekada iyo cabashooyinka laga soo gudbiyey khidmadaha cusub.

GAROWE ONLINE

 
 

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM