Faroole oo DF ku booriyey in ay aqoonsato doorashada Jubbaland

Image

GAROWE, Puntland – Senator Cabdiraxmaan Faroole oo ka hadlay furitaanka kalfadhiga 45aad ee baarlamaanka Puntland ayaa ku booriyay dowladda federaalka in ay aqoonsato doorashadda Jubbaland.

Villa Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay guusha Axmed Madoobe oo 22-kii August dib loogu doortay in uu hogaamiyo maamul goboleedkaas kadib doorasho u qabsoontay qaab xor iyo xalaal ah.

Diidmada xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay salka ku haysa dano siyaasadeed oo gaar ah.

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa sheegay in ka qeybgalka caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe ay ahayd waajib dastuuri ah, isaga oo meesha ka saarey in ay isugu tageen "mucaarad".

"Annaga waanu ictiraafnay, ilaahey cidaan ahayn ugama baahna ictiraaf kale, dowladda waxaan laga doonayaa in ay aqoonsigaas dhinac ka raacdo," ayuu hadalkiisa ku daray.

Siyaasiyiinta kale ee qaadacay doorashadda ayuu ku eedeeyay in ay diideen la kulanka madaxda kasoo muuqatay xafladda kuwaas oo waanwaan ka dhex-bilaabi lahaa dhinacyadda.

Dhinaca kale, Senator Faroole ayaa soo dhaweeyay 1.7 milyan oo Doollar oo dowladda federaalka ka heshay shirkado shidaal. Lacagtan waa kirada xirmooyin Saliid oo ay dalka ku leeyihiin.

Lacagta ayaa ka timid shirkadaha Royal Dutch Shell iyo ExxonMobil kuwaasi oo dalka dib uga howlgal bilaabaya 30-sano kadib.

Hase ahaatee, Faroole oo su'aal ka keenay cadadka guud ee lacagta ayaa ku tartarsiiyey xukuumadda in ay dib ugu laabato shirkadaha isla markaana ay si qoto dheer u eekto xisaabta ay la gashay.

Deynta lagu leeyahay Soomaaliya oo tusaale ahaan uu u soo qaatay ayuu xusay in ay sanado kahor ahayd waxyar balse ay korotay. Deynta ayaa haatan ku dhow shan bilyan oo Doollar.

"Lacagta inflation rate-kii baa ka maqan…sida ay iyagu deynta noogu dalaceen iyaguna ugu dalac oo kasoo qaad," ayuu xusay.

Geesta kale, mid kamid ah bud-dhigeyaashii Puntland, ayaa nabadoonada iyo culimada ku waaniyey in aysan "gacamaha lasoo gelin siyaasadda" hadii ay doonayaana "ay meel iska soo dhigaan kitaabka.

Mudanaha ka tirsan Aqalka Sare ee federaalka ayaa Dowladda ku tartarsiiyey in ay xaliso tabashooyinka liddiga ku ah ee ka imaanaya dhinacyada kala duwan kana shaqeyso midnimada iyo wadajirka Umadda.

MUUQAALKA FAROOLE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM