Gaas oo aan Muqdisho ka helin soo dhoweyntii loo baahnaa

Image
Image

February 4, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey  magaalada Muqdisho. Wafdiga.

Mas'uuliyiinta ugu sarreysa Dowalda Federaalka sida: Madaxweynaha, Ra'isal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Barlamanku ma imaan garoonka xilligii ay wafdiga Gaas soo degayeen, balse mas'uuliyiin kooban oo isugu jirey xildhibaano kasoo jeeda Puntland iyo xubnihii horay uga soo mid noqdey xukuumadii Gaas xiligii uu Ra'isal wasaaraha ahaa ayaa garoonka kusoo dhoweeyey.

Maxaa shirka Muqdisho loogu soo wareejiyey?

Ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in shirka mudada labada maalmood ah soconaya ee ay  yeelanayaan Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo Madaxweyneyaasha dowladaha qaybta ka ah Dowlada Federaalka ee Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed horay qorshuhu u ahaa in lagu qabto magaalada Kismaayo.

Waxaa sidoo kale Garowe Online ogaatey in qaban qaabada shirku ka imaan dhanka Dowlada Federaalka balse fikirkiisa la yimaadeen dowladaha ka tirsan Federaalka kuwasoo horay isugu afgartey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xulafadiisa siyaasadda oo walaac ka qabey xiriirka ay sameysteen dowladaha qaybta ka ah Federalku xilli khilaaf siyaasadeed Muqdisho ka aloosan yahay, waxay dadaal badan u galeen sidii shirkan magaalada Muqdisho loogu soo wareejin lahaa.

Ujeeada ka dameysa arintan ayaa ah in Xasan Sheekh iyo kooxdiisu rabin indhaha beesha caalamku inay kusoo jeestaan shirarka dowladaha Federaalka raacsani ku yeelanayaan meelaha Muqdisho ka baxsan xilli khilaaf ka jiro dhismaha xukuumada.

Waqtiga kulankaan ku soo beegmay:

Dad badan ayaa wax su'aalo iska waydiinaya sababta kulankaan loo qabanayo xili uu taagan yahay khilaafkii ka dhashey dhismaha xukuumada dowlada Federaalka.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxweynahaasha maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed xubno ay tageerayeen laga reebey xukuumadii ugu dambeysay ee lasoo dhisey.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya xoggo sheegaya in Ra'isal wasaaraha Somalia wax badan kala socon qorshaha booqashada madaxweynaha Puntland sida kadiska ugu tagey magaalada Muqdishu xili uu ku mashquulsan yahay dhismaha xukuumada qancisa Barlamanka Federaalka.

Dadka siyaasada la socda ayaa wel wel ka qaba in booqashadaan wax u dhinto xiriirka u dhexeeya  Ra'isal wasaraha iyo madaxweynayasha maamulada kuwaasoo culeys kusoo kordhiyey xarunta villa Somalia.

Kasoo qayb gelid la'aanta madaxda dowlada Federaalka soo dhoweyntii wafdiga Madaxweyne Gaas ee maanta kasoo dagey Muqdishu ayaa dhinaca kale muujinaysa hoos u dhac ku yimid maqaamkii siyaasadeed ee Puntland ku lahayd Dowlada Federaalka iyo weliba beesha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM