Gaas oo sabab u ah muran hareeyey Wasaarada Waxbarashada Puntland

Image

GAROOWE- Kadib markii Madaxweynaha Puntland Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarshada Puntland u magaceebey August 7,2017 Yaasiin Cabdi Seed ayaa sida warsidaha GO ogaadey waxaa kor u kacey khilaafka u dhexeeya madaxda Wasardaas kaasoo gaarey heer Mudane Cabdiweli Maxamad Cali Gaas soo faragaliyo is-mari-waaga taagan.

Wasiiru dowalaha Wasaarada Waxbarashada Puntland oo isku jifi hoose yihiin Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa waxaa uu u magacaabey aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya balse dib looga qaadey kadib markii lagu badalay qof dumar ah.

Seed ayaa sida kale saxiib siyaasadeed ee dhow la ah Madaxweyne Gaas madaama uu kamid ah Xildhibinaadii Aqalka hoose ee Barlamanka Soomaaliya Puntland oo codka siiyey Mudane Gaas markii uu musharax Madaxweyne ahaa sanadkii 2012. Yaasiin Seed ayaa ahaa sida la rumeysan yahay shaqsiga kaliya ee reer Puntland ah oo codka siiyey Madaxweyne Gaas waqtigaas.

Awoodaha Madaxweyne Gaas uu siiyey Yaasiin Cabdi Seed.

Madaxweyne Gaas ayaa waraaq uu awooda shaqo kaga xayuubinayo Wasiirka Wasaarada Waxbarshada Puntland Abshir Aw- Yusuf Ciise soo qorey Dec 11, 2017 isagoo ku sheegey in shaqooyinka wasarada kuwoodii ugu muhiimsanaa u kala qaybiyey Yaasiin Seed iyo Wasiir ku xigeenka Maxamad Cali Farax.

Yaasiin Cabdi Seed ayaa waxaa awood loo siiyey iney hoos yimaadaan dhamaan howlaha Mashaariicda Wasarada sida Qorsheynta, hubinta, hirgalinta iyo dabagalka Mashaariicda kuwasoo gabi ahaanba salka ku haya arimo maaliyadeed.

Wasiirka ku xigeenka Wasaarada Waaxbarashada Puntland ayaa sidoo kale waxaa Madaxweyne Gaas qoraalkiisa awood u siiyey iney hoos imaanayaan maamulka iyo Waxbarshada Wasaarada kuwasoo ay ku jiraan deeqaha waxbarasho ee dibada.

Qoraalkaan Madaxweynaha Puntland ee ku taariikheysnaa Dec 11,2017 ayaan lagu sheegin awoodaha Wasiirka Wasaarada iyadoo fahanka laga qaatey uu noqdey in mas’uulkaan si dadban looga wareejiyey dhamaan maamulka howlahii loo magacaabey.

Xildhibaano kasoo jeeda gobolka Sanaag ayaa Madaxweynaha Puntland kala hadlay dhowaan talaabooyinkaan uu qaadey Mudane Gaas iyo sida ay saameyn ugu yeesheen habsami u socodka Wasaarada iyagoo ka dalbadey inuu dib uga noqdo wareegtadii uu awoodaha shaqada ugu kala qayabiyey wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka oo ay gacansaar dhow leeyihiin.

Qoraalada Khilaafaadka Xambaarsan oo la is-waydaarsadey

Wareegtada Madaxweynaha Puntland kadib ayaa sida ku cad qoraalo warsidaha GO heley kuwasoo is dhaafsadeen Wasiirka Wasaarada, Wasiirka dowlaha Wasarada iyo Wasiir ku xigeenka ayaa kuligood waxay amaro farayaaan agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarshada.

Qoraal ay ku saxiixan yihiin Wasiiru dowlaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasarada Waxbarshada kasoo ku taariikhaysan Jan 2, 2017 ayaa waxaa uu jawaab celin u ahaa qoraal hore ay kaga dalbanayeen xogta wasarada agaasimaha guud. Waxaa ka muuqda qoraalkaan baqdin galin iyo iyagoo dhinaca kale ka dalbanaya agaasimaha guud in waraaqaha la iswaydaarsanyo yihiin kuwo ku eg xafiisyada Wasaarada ay khuseyso oo aan dibada u bixi karin. Lama oga sababta keentey in labdaan mas'uul cabsi ka muujiyaan in xogtaan dibada u baxdo hadii ay ogyihiin in talaabada ay qaadayaan ay tahay mid sharciga waafaqsan.

07/01/2017 Wasiirka Wasaarada ayaa qoraal ku socdey agaasimaha guud ee Wasarada islamarkaana ogeysiin la siiyey agaasimayaasha waaxaha Wasaarada, Wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha ayaa Abshir aw-Yusuf Ciise waxaa uu ku farayaa in agaasinka dhamaantiis uusan fulin karin awaamiir aan kasoo bixin Xafiiska Wasiirka balse ka dalbadey iney xogta la wadagaan si guud labada mas'uul Yasiin Cabdi Seed iyo Maxamad Cali Faarax.

Dhinaca kale qoraal ku taarikhaysan 18/1/2017 kasoo ay ku saxiixan yihiin Wasiiru dowlaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasarada Waxbarshada ayaa waxaa uu ku socdaa Agaasimaha guud, agaasimaha waaxda maamulka iyo Maaliyada halka ogeysiin ay siiyeen Wasiirka Wasarada iyo Hantidhowrka Wasarada Waxbarshada.

Labadaan mas’uul ayaa sida qoraalka hoose aad ku arki doontaan ku dalbanaya in dhaqdhaqaaq kasta oo maaliyadeed lala wadaago inta aan loo gudbin xogta xafiiska Wasiirka Wasaarada Waxbarashada.

 

Khilaafka hareeyey Wasaarada Waxbaarshada ayaa saameyn ku yeeshey howlihii ay u haysay shacabka Puntland gaar ahaan ardeyda iyo macalimiinta iskuulada iyadoo waraaqdaan kadib shaqadii ay ka joojiyeen agaasimaha Guud ee Wasaradaan Wasiiru dowlaha iyo Wasiir ku xigeenka.

Agaasimaha guud ee Wasaarada oo horey u ahaan jirey agaasimaha guud ee Wasaarada xanaada Xoolaha kaasoo awood qaybsi xilkaan ku geeyey gudoomiyihii hore ee Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire oo abti u ahaa ayaa waxaa shaqada dib ugu soo celiyey Wasiirka Wasaarda Waxbarshada isagoo ku tilmaamey xil ka joojintiisa sharci daro.

Wasaarada Waxbaarshada Puntland oo kamid aheyd Wasaaradaha ugu shaqo wanaagsan xiligii uu Wasiirka ka ahaa Cabdi Siciid Farah "Juxa" ayaa waxaa ku yimid tan iyo intii uu talada Puntland la wareegey Cabdiweli Maxamad Cali Gaas Musumaasuq, dib u dhac iyo habacsanaan shaqooyinkii ay u haysay shacabka Puntland gaar ahaan ardeyda Iskuulada iyo Macalimiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM