Gaas oo xarigga ka jaray qunsuliyadda safaaradda Yemen ee P/land

Image
Image
Image
Image

May 24, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta daah furay xafiiska Qunsuliyadda Dawladda Yemen ku yeelanayso Puntland .

Xafladda furitaanka xafiiskaan oo ka dhacday hoolka Hotelka Gacayte ee Boosaaso ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad , Maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmada Boosaaso, rag iyo dumar isugu jiray shicibweynaha dalka Yemen ee ka soo qaxay dagaalada ka soconaya dalkaasi, kuwaasi oo u soo qaxay gudaha Puntland.

Safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya Dawladda Yemen oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in uu si aad ah ugu mahadcelinayo dawladda iyo shacabka reer Puntland oo aan si aan kala har lahayn uga qeyb qaatay soo dhaweynta iyo garab istaaga walaalaha ka soo qaxaya dalka Yemen ee dhibaatada colaadeed ku habsatay.

Madaxweyne.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo sirasmi ah xariga uga jaray xafiiska cusub ayaa sheegay in mar walba ay garab taagan yihiin walaalahooda Yemen, dhulka Puntland uu yahay dhulkoodi labaad dhinackastana ay dawladda iyo shacaba garab taagan yihiin.

Dawladda Yemen ayuu ku tilaamay in xiligii dagaalada sokeeye ay ka qarxeen dalka Soomaaliya martigelisay qaxooti badan , maadama ay talaabadaa qaadeen ayuu sheegay Madaxweynuhu in sidii si lamid ah oo weliba ka wanaagsan loo baahanyahay in la sameeyo hada .
 
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn Beesha Caalamka ugu baaqay inay gargaar deg deg ah laso gaaraan qaxootiga badan ee ku sugan Puntland iyo kuwa sida isdaba jooga ah uso gaaraya, dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen ayuuna ugu baaqay inay hakiyaan colaada soconaysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM