GALKACYO: Camey iyo Carabay oo goob joog ka ahaa Xaflad baabuur lagu wareejinayay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya General Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa maanta Lix gaari ku wareejiyay Maamuladda Galmudug iyo Puntland, kuwaaso kasoo dagay Dakadda Bosaso todobaadkii hore.

Munaasabad lagu wareejinayay baabuurtaas oo ka dhacday magaalada Galkacyo waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenada Galmudug iyo Puntland.

General Saacid oo hadal kooban ka jeediyay wareejintan baabuurtaas ayaa tilmaamay in u waqti badan u galiyay sidii gawaaridan ay soomaaliya u heli-lahady, kuwaaso muddo labo sanno ah ku xanibnaa Dalka Jabuuti,waxaana uu mahadceliyay Punltand oo baabuurta markii ay so dageen dayactir weyn ku samaysay.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland General Cabdulqaadir Shire Faarax Erag ayaa isna sheegay in baabuurta afar ka mid ah loo qorsheeyay inay ku shaqeeyan ciidamada isku dhafka ah ee howlgalada ka bilaabidoona magaalada Gaalkacyo

Sidoo kale, Taliye ku xigeenka booliska Maamulka Galmudug Xabeeb ayaa xusay in baabuurtan ay ciidamadu dhaqaalaysandoonan, islamarkaana u isticmaali doonana howlaha dadweynaha.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo dhigiisa Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabey ayaa ka mahadceliyay dadaalka uu wado taliyaha ciidamada Booliiska Somalia, iyagoo kula dar-daarmay ciidamada isku dhafka ah ay ka shaqeeyaan sidii loo xasilin lahaa magaalada Galkacyo loogana hortagi lahaa dilalka Qorshaysan ee ka dhanka ah mas'uuliyiinta dowladda iyo har-doorka bulshada.

Mas'uuliyiintan ayaa booqday wareejinta gawaarida kadib xarun ay ku shaqayn doonaan ciidamada isku dhafka ah ee loogu talo galay inay ka shaqeeyaan amniga magaalada Galkacyo.

Generaal Saacid ugu dambayn labo neef oo geel ah siiyay Ciidamada isku dhafka Gaalkacyo,isagoona u balanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu keeni doono agabyada ay u baahanyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo heegan sarre gelisay ciidamadda milatariga

Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa askarta u sheegay in ay u diyaar-garoobaan “shaqooyin qorsheysan”.

  • Puntland

    07-05-2024

  • 03:26AM

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM