Garoowe: Dowladda hoose oo loo xiray ciidamo loo qorayo Qadar

Image
Image

GAROWE, Puntland- Afaafka hore xarunta dowladda hoose ayaa saaka loo xiray dad la sheegay inay qaadanayaa waraaqaha aqoonsiga Baasaboorada si ay uga mid noqdaan ciidamada waddanka Qadar ka qoranayso dalka Soomaaliya.

Ciidamada dowlladda hoose ayaa xiray wadad laamiga ah ee hor marta xaruntaas xilli ay gudaha ku jireen ku dhawaad 200 qof oo u badan dhalinyaro ka timid deegaanada Puntland iyo Somaliland, sida uu GO u sheegay mid kamid ah shaqaalaha dowladda hoose.

Dhawaan ayay ahayd markii Warsidaha Garowe Online uu daabacay Warbixin ku saabsan qorshahan qorista ciidamada.

“Sababo amni ayaa wadada loo xiray oo waxaa xarunta ku jira dad qaadanaya baasabooro kuwaasoo ka yimid deegaanada Somaliland,” ayuu yiri mid kami ah howlwadeenada dowladda hoose oo intaas ku daray, “Dhalinyaro reer Puntland ah ayaa xitaa ku jirta waxay kamid yihiin dadkii loo qorayo Qadar ee la lahaa ciidamo ayay noqonayaan.”

Magaalada Garoowe gaar ahaa hoteelada waxaa buux dhaafiyay dad raajicinaya qorshahan iyo inay kamid noqdaa dadka nasiibka u yeesha inay aadaan waddanka go'doonsan ee Qadar.

Ma jirto war rasmi ah oo dowladda hoose iyo xukuumadda Puntland kasoo baxay taasoo ku aadan qorista ciidamada oo ah qorshe markii hore ka yimid dhinaca dowladda Soomaaliya gaar ahaan saraakiil katirsan Madaxtooyada.

Qorshahan ayaa yimid xilli Puntland ay taageertay waddanka Imaaraadka iyagoo goor sii horaysay Madaxweyne Gaas sheegey inuusan aqoon Qadar islamarkaana aysan ka dhaxeyn Calaaqaad.

Balse, Qadar ayaa xiriir wanaagsan la leh shakhsiyaad katirsan Villa Somalia oo kamid yahay Fahad Yaasiin kuwaasi, oo dabada ka riixaya qorshahan ciidan qorista ah.

Garowe Online, oo dabagal dheeraad ah ku haya qorshahan qarsoon, ayaa u suurta gashay in maanta uu kula kulmo Isbitaallo ku yaalla magaalada Muqdisho qaar kamid ah dhalinyarada loo askareynayo Qadar, kuwaasi oo da'doodu ay u dhaxaysa 20 ilaa 30.

Mid kamid ah dhalinyarada, oo si gaar ah Garowe Online u wareystay, ayaa sheegay in ay usoo doonteen Isbitaallada Shahaadooyin caafimaad, oo looga xiray Fiisaha Qadar.

Dhalinyarada oo dhamaantood rag ah, islamarkaana aan ku jirin Gabdho ayaa sheegaya in loo wado waxbarasho iyo shaqooyin dalka Qadar ah, iyagoo ku helay fursadan qaab beeleed, oo lagu soo qeybsaday 4.5.

Khilaafka siyaasadeed ee hadda ka taagan Soomaaliya ayaa gundhig u ah kala qaybsanaanta madaxda Federaalka iyo hogaamiyaasha maamul goboleedyada ay ku kala argti duwanyihiin mowqoifka Khaliijka.

Qadar ayaa go’doomin la saaray kadib markii lagu eedeeyay inay taageerto Argagixisada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM