XOG: Wadanka Qatar oo ciidamo looga qorayo dalka Soomaaliya

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wadanka Qatar isagoo adeegsanaya saraakiil ka tirsan xafiiska Villa Soomaaliya uu qorsheynayo in ciidamo iyo dad lagu sheegey in tababaro kala duwan la siinayo looga qorayo qaybo ka tirsan maamulada Soomaaliya.

Warsidaha Garowe Online oo u kuurgaley arinkaan ayaa booqdey maanta 12 Oct, 2017 xarunta laga bixiyo Baasaboorada Soomaaliya ee ku taal magaalo madaxda dowlada Puntland halkaas aan kula kulaney dhalinyaro safaf dhaadheer ku jirta kuwasoo markaan waydiiney noo sheegey inuu jiro qorshe ay ugu ambaxayaan dalka Qatar.

"Waxaan qaadaneynaa Baasaboorka Soomaliga ah, kadib muddo labaatan cisho ah ayaan sugeynaa fiisada dalka Qatar halkaasoo aan ka noqoneyno askar," ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada aan la kulanay, oo magaciisa ka gaabsaday.

Dhalinyaradaan oo kuligood ahaa Rag ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegey in loo sheegey in askarigii la siin doono lacag gaareysa $6,000 USD [Lix Kun oo Doolar].

Wariyaha Garowe Online oo u kuurgaley arintan, ayaa ogaadey in Huteelada magaalada Garowe soo buux-dhaafsheen dhalinyaradaan raadineysa Baasaboorka Soomaaliga ah kuwasoo ka yimid intooda badan Somaliland iyo maamulada kale.

Dhinac kale, magalada Muqdisho ayaa asbuucii la soo dhaafey waxaa laga direy dufcadii ugu horeysay dad gaaraya 10 qof kuwasoo lagu sheegey iney yihiin shaqaale ka tirsan wasaaradaha kala duwan ee dowlada Federaalka Soomaaliya.

Warsidaha Garowe ayaa fahansan in howsha dirista dadkaan ay gacanta ugu jirto sarkaal sare oo ka tirsan xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo la sheegey in dadkaas loo qaadey in tababaro ciidamada ah oo kala duwan la siiyo kuwasoo kamid ah dufcadii ugu horeysay.

Lama xaqiijin karo in dowlada Soomaaliya wax ka ogtahay qorshahaan, balse sida aan wararka ku heleyno maamulada Soomaaliya ayaanan ku baraarugsaneyn qorshahan dhalinyarada qaadneysa Baasaboorda ee loo sheegey in fiisooyinka Qatar la siinayo.

Wadanka Qatar oo khilaaf xoogan u dhexeeyo wadamada Khlaiijka intooda badan ayaa wada qorshayaal uu ku kordhinayo ciidamadiisa isagoo fursado siinaya wadamada dadkoodu shaqo la'aanta hayso.

Wadanka Turkiga oo isagu taageerey wadanka Qatar khilaafka Khaliijka ayaa isagu dhowaan saldhig lagu sheegey in lagu tababarayo ciidamada Soomaalida ka furey magaalada Muqdisho.

Turkiga oo saameyn weyn ku leh Muqdisho, ayaa shirkado ganacsi uu leeyahay waxay gacanta ku hayaan dekada magaalada Muqdisho, Garoonka diyaardaha Aadan Cadde halka xarumo kale oo dowlada Soomaaliya laheyd ka dhigtey Isbitaallo iyo Iskuullo loo baxshey magacyo Turki ah.

Dowlada Soomaaliya ayaa iyadu dhexdhexaad ka noqotay khilaafka Khaliijka, iyadoo taasi kala kulantey diidmo ka timid maamulada Soomaaliya kuwasoo kulan ay ku yeesheen magalaada Kismaayo maalintii shaley 11 October kasoo saarey warmurtiyeed ay ku joojiyeen barnaamijkii dib eegista Dastuurka.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya, Fahad Yaasiin oo kamid ah Saraakiisha ugu awooda badan xafiiska Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa isagu xiriir aad u xoog u badan la leh wadanka Qatar.

Fahad Yaasiin oo horey uga shaqeyn jirey TV-ga Al-Jazeera ayaa markii dambe madax ka noqdey hay'ad lagu sheegey in cilmi baaris ka sameyso wadamada Barriga Afrika kadib-na fursad u helay inuu lug ku yeesho dhismaha dowladii uu hogaaminayey Xasan Sheekh iyo mida haatan jirta, ee majaraha u hayo Madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM