GAROOWE: Kalfadhiga 40aad ee Barlamaanka Puntland oo furmay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 40aad ee Barlamanka oo ka dhigaysa in golahaas uu jirsaday 20 sano xilli maamulkan uu yahay kan ugu faca weyn dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabada furitaanka Kalfadhiga Barlamanka Puntland, waxaa kasoo qayb galay Guddoomiyaasha golaha Barlamanka iyo aqalka sare ee Soomaalia, golayaasha dowladda Puntland, isimo, waxgaradka iyo xunbno ka socday bulshada rayid ah.

45 Xildhibaan ayaa fadhiyay madasha lagu furay kalfadhigan, waxaana khudbado kala duwan ka jeediyay martida katimid Muqdisho iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda Puntland.

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ku hadlayay afka Isimada, ayaa Xildhibaanada Puntland iyo kuwa Barlamanka Soomaaliya uguu baaqay inay kasoo baxaan waajibaadkii ay u dhaarteen, halka Madaxweynayaasha dalka uu ka codsaday inay ka shaqeeyaan danta shacabka iyo sidii waddanka looga saari lahaa dhibaatada.

"Wixii lasoo maray wixii looga bixin lahaa dadkiina hogaanka siyaasadda hayo inay la timaadaan wixii looga bixi laha, anaguna waxaan diyaar u nahay anigoo ku hadlaya magaca isimada inaan garab siino wixii danta Soomaaliya wada cid kasta ha ahaado gobolka kasta ha ahaado." ayuu yiri Islaan Ciise.

Senator Cabdiraxmaan Farole ayaa dhankiisa soo hadal qaaday arrimo ay kamid tahay Dastuurka Soomaali, qaraxii ka dhacay Muqdisho iyo siyaasadda Soomaaliya.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay khilaafkii soo kala dhexgalay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, isagoo sheegay inay tahay wax qof kasta oo wax garad ah ka xumaanayo.

"Halkan waxaan uga fadhinaa oo aynu isugu nimid maaha inaan furno kalfadhigii 40aad ee Barlamanka inaynu furno, laakiin waxaynu isugu nimid sida aan anigu qabo inaan iska kaashano khilaafkaas sidii lagusoo afjari lahaa," Ayuu yiri Farole.

Farole ayaa sidoo kale soo jeediyay in maamullada iyo dowladda dhexe is tixgaliyaan oo laga wada shaqeeyo sidii dalka looga saari lahaa xaaladda adag.

Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaah ayaa tilmaamay in Puntland hor ku tallaabsatay islamarkaana magaalada Garoowe hada iyo wafti laga joogo 11 sano oo uu booqasho ku yimid u dhaxeeyo farqi weyn.

Wuxuu ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada iyo soo celinta isku duubnida dadka Soomaaliyeed, isagoo tusaale usoo qaatay 5 farood ee qof bini-aadamka ah iyo sida aysan midba tan kake uga maarmin.

"Aniga Walaalkay Jawaari waxaa hada nagu haray talo ee naga qaata oo aan ka shaqayno soo celinta midnimadii iyo kal dambaynt.” Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sidaas yiri

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay wax yaabihjii xukuumadda dawladda Puntland u qabsoomay muddadii u dhexaysey kalfadhiga ee 39-aad iyo kan 40-aad , waxaana ka mid ahaa arrimaha Shaqada, Shaqaalaha iyo Ciyaaraha, Arrimaha Caafimaadka, Waxbarashada, Kaluumeysiga Puntland, Ganacsiga, Garoomada Puntland, Hawlaha Guud iyo Waddooyinka, Arrimaha Gudaha, Barakacayaasha, Xaaladda Roob Yaridda iyo Abaaraha, Arrimaha Maaliyadda, Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Beeraha, Qorshaynta, Arrimaha Haweenka, Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka, Arrimaha Haweenka, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Wadada Garowe iyo Gaalkacyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM