GAROWE: Dhismaha Garoonka cusub ee diyaardaha oo gabo gabo maraya [ Warbixin]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa waxaa dhowaan la furi doonaa garoon cusub ee diyaardahu soo caga-dhigtaan kasoo  in muddo ah dhismihiisa ay wadey shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Garoonka cusub ee diyaaardaha ayaa lacagtii hore ee lagu bilaabey dhismihiisa waxaa bixisey hay’ada Kuwait Fund kadib markii heshiis la gashay dowladii hore ee  Madaxweyne Cabdiraxman Farole halka dhameytirka heshiisyadaan iyo qandaras biixnta dhameystireen  Dowlada  Madaxweyne Gaas.

Qaabka lacag bixinta hehsiiskaan oo ka koobnaa labo weji ayaa sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay Kuwait Fund waxay ku bixisay wajiga hore 5 Milyan dollar halka wajiga labaad ay ka baaqsatey iney bixiso aduun gaaraya Shan Milyan dollar taasoo khatar galisey in mashruucaan gabi ahaanba bur-buro.

Dadaal badan ay sameyeen madaxweynihii hore ee Puntland, xildhubaano iyo ganacsato kasoo jeeda gobolka Nugaal ayaa waxaa ay suurtagliyeen iney  dhiirigalinyeen shirkada gacanta ku haysa dhismaha garoonka iney wado Mashruuca lagu dhameytirayo Gagidaan iyadoo dhinaca kale Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas dhiirigalin balaaran sameeyey kadib markii uu ku biiriyey dhameytirka mashruucaan aduun gaaraya 2.5 Milyan dollar.

Dadweynaha Puntland gaar ahaan kuwo gobolka Nugaal ayaa aad u soo dhoweeyey talabada Madaxweyne Gaas ee ku aadan sidii loo dhameytiri lahaa mashruucaan oo lacagtiisa laga sugayey hay’ada Kuwait Fund taasoo dhiirigalisay dhamaan dhinacyadii howshaan dhameytirkeeda isu xilsaarey. 

Waxaa sidoo kale door xusid mudan doorka mas’uuliyada leh ay ka qaateen madaxweynihii hore ee Puntland, qaar ka tirsan ganacsatada iyo xildhibanada gobolka Nugaal kuwasoo ku guuleystey iney ururiyaan lacago lagu fulinayo dhameytirka mashrucaan.

Dhinaca kale warsidaha Garowe online oo booqdey dhismaha garoonka diyaardaha ayaa ogaadey in shirkada gacanta ku haysa dhismahaan ay dhowaankeentey daamuurkii iyo makiinadii qaban laheyd shaqada ugu dambeysa mashruucaan kasoo la filayo in lasoo gabagabeeyo inta u dhexeysa bilaha October iyo November.

Garoonkaan oo lafilayo in diyraadadaha Waaweyn ku soo dagaan ayaa howshaan gacanta lagu hayo marka ay dhamaato waxaa u baahan yahay waxyaabo yar yar ah kuwasoo muhiim u ah in si buuxda u howlgalo iyadoo kharashka lagu fulinayo laga sugayo Dowlada Puntland iyo ganacsatada gobolka.

Shacabka Puntland iyo dowladooda ayaa waxaa ay mudan yihiin bogaadin kadib markii si buuxda  isugu tashadeen markii la waayey mashruucaan kharashkii loogu talagaley dhameytirkiisa.

Garoonkaan ayaa sida howlwadeenada gacanta ku haya u sheegeen warsidahaan ayaa waxaa la qorsheynayaa inuu shaqo bilaabey sanadakaan dabayaaqadiisa. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM