Guddoonka Barlamanka Puntland oo Afduubaya Doorashada 2019 [XOG]

Image

GAROWE, Puntland- Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Puntland ayaa magaalada Garowe ka wada olole siyaasdeed ay ku doonayaan sidii ay u marin habaabin lahaayeen nidaamkii doorasho ee Puntland ku dhaqmi jirtey 19-kii sano ee la soo dhaafey kuwaasoo doonaya iney qayb ka noqdaan magacaabista xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashada 2019.

Wararka ayaa sheegaya in Sadex xildhibaan oo ka tirsan Guddoonka Barlamanka, Saadiq Garaad [ xubin ka tirsan guddiga joogtada ah] iyo xildhibaano gacansaar la leh ka shaqeynayaan sidii qayb ka tirsan guddiga khilaafaadka doorashada u soo magacaaban lahaayeen.Guddiga Khilaafaadka oo 7 xubnood ka kooban ayaa 19-kii sano ay Puntland jirtey waxaa soo magacaabi jirey Madaxweynaha markaas xilku ka sii dhamaanayo isagoo eegaya dareenka dhinacyada siyasadeed ee kala duwan.

Guddigaan oo shaqadiisu tahay sidii ay u xalin lahaayeen khilaafka beelaha dhexdooda kasoo baxa ayaa inta badan dhexgal looga baahdaa markii madax dhaqameedku isku qabsadaan magacaabista xubinta beeshaas uga qayb galeysa Golaha Wakiilada.

"Habacsanaan siyaasdeed iyo musuqmaasuqa baahsan oo ka jira Puntland ayaa sababtey in xubnaha ugu tunka wayn Barlamanka Puntland in iyagoo xildhibaano la soo doortey ahaa radaiyaan sidii Madaxweynaha talada qabanaya 2019 ula soo bixi lahaayeen,” sidaas waxaa Garowe Online u sheegey mid kamid ah dadka dagan magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Xubnahaan ka tirsan Barlamanka Puntland oo iyagu buddhigaha u ah Barnaamijka la damacsan yahay in Madaxweyne Gaas lagaga fara-maroojiyo magacaabista qayb kamid ah Guddigaan ayaa ololahooda siyasdeed waxa ay saldhig uga dhigeen in xildhibaanada kale ee aqalka ku hunguri galiyaan in dib loo soo dooran doono hadii ay u codeeyaan inqilaabkaan siyasadeed.

Kooxdaan ayaa intoooda badan waxay horey ugu magacabeen aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya shaqsiyaadkii ka tirsanaa beelahooda ee ku haystey kamid ahaanshaha Aqalka Wakiilada Puntland sanadka 2019. Saadiq Garaad ayaa qayb ka ahaa sida GO fahansan yahay  musuqmaasuq baaxad leh ee lagu sameeyey ergooyinkii xulanayey xubnaha aqalka hoose ee Barlamanka uga mid noqonayey gobolka Sool.

Xildhibaanadaan kooxda ah ayaa sadexdii sano ugu ee ugu dambeeyey xukuumada Madaxweyne Gaas waxay khalkhal siyaasdeed ku hayeen nidaamka dowlnimo ee Puntland kuwasoo madaxda sare ku cabsi galinayey in mooshino ka dhan ah keeni doonaan hadii aan loo meel-marin danahooda siyaasdeed.

Talaabooyinkaan ayaa waxaa kamid ahaa qorshihii fashilmey ee kordhinta xubnaha Barlamanka, kala diristii iyo dib u soo celintii xukuumada, xil-kaqaadistii Gudoomiyahii Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire iyo lacag ku qaadashadii heshiisyada Dowlada Puntland lasoo gashey shirkado shisheeye.

Sidee loo musuqmaasuqaa Guddiga Khilaafaadka?

Guddigaan ayaa inta uu ku gudo jiro howsha xalinta khilaafaadka beelaha ayaa kooxdaan hadii qorshahoodu u hirgalo waxay damacsan yihiin in shaqsiyaadka ay u soo magacaaban  hor-istaag ku sameeyaan xubnaha ay is-leeyihiin u codeyn mayaan shaqsiga ay u wataan inuu Madaxweyne ka noqdo Puntland 2019.

Puntland oo ku guuldareystey iney toos u soo doorato golayaasheeda dowlada 19 sano ay jirtey ayaa la filayaa in sanadka 2019 xildhibaanada ku soo xulato nidaamka qabaliga kaasoo 66 Mudane cod u qaadi doonaan Madaxweyhaha talada hayn doona sanadaha 2019-2023.

Madaxweyne Gaas oo balan qaadey in meesha ay joogto kasii wadi doono nidaamkii dimuqraadiyada ay bilwodey dowladii ka horeysay ayaa waxaa mas'uuliyad waqtigaan ka saaran tahay inuu ilaaliyo in shacabka Puntland uusan soo wajihin khalkhal siyaasdeed xiliga kala guurka lagu jiro.

Madaxweyne Faroole oo xilka ku wareejiyey Hal cod oo la sheegey in lagaga heley doorashadii ka dhacdey magaalada Garowe 2014 ayaa si hufnaan ku jirto oo la ilaaliyey nidaamkii taarikhiga ah ee Reer Puntland ku soo dooran jireen Madaxdooda xilka ugala wareegey sidoo kale 2009 AHN Madaxweyne Cadde Muuse.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM