Heshiis laga gaarey Colaaddii Gobolka Sool iyo Ganaaxyo la dul dhigey Beelaha

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JIGJIGA - Iyadoo 20 kii Maalmood ee ugu danbeeyey magaalada Jig Jiga ay dawlad deegaanka Soomaalida ay ka waday heshiisiinta iyo soo afjarida shaqaaqo beeleed u dhaxeeyey laba beelood oo colaadoodu daba dheeraatay khasaare badanna ay ka dhaliyey ayaa waxa la soo gebo gebeeyey shirkaasi , Shirkan oo ay dawlad deegaanku u xilsaartay gudi ka kooban 25 qof iyo min 21 ergey oo labada reer ee (Bahrarasame & Cabdi Garaad) Waxaana laga soo saarey qodobadan:

1 - In la bixiyo dhamaan wixii mag ah ee labadan beelood ay isu gaysteen oo ah 170 qof , lagana dulqaado culayska magtan . Waxaaana bixinaya Beel waynta Daarood .

2 - Mudada lagu bixinayo magtanina waa 12 bilood ama sanad qofkii Waxaa la xisaabinayaa 50 halaad.

3 - Dhaawac labada beelood waxaa loo xilsaarey in ay soo xaqqaan Gudiga Culimada gobolka Sool , mudada ay howshaa ku soo dhamaynayaana waa 6 bilood gudeheed.

4 - Wixii khasaare guryo la gubey iwm waxaa loo dirayaa guddi howshaa soo qiimeeya .

5 - Beel Waynta Bahrarsame Waxaa lagu ganaaxey in ay bixiso 200 oo Halaad iyo 48,000 $ oo duug ah mudada ay ku bixinayso 200 ee halaad waa 6 ilood lacagta duugta ahna waa 20 maalmood .

6 - Beelwaynta Cabdi Garaadna (Qayaad ) Waxaa lagu ganaaxey inay bixiso 50 halaad oo geel ah , mudada ay ku bixinaysona waa 6 bilood , iyo 21,000 $ oo duug ah , iyana ay ku bixin doonto mudo 20 maalmood .

6 - In Beeshii danbe ee jabisa heshiiska ama weerar qaada lagu ganaaxo 100,000 $ (Boqol kun oo dollar ) .

7 - In la sameeyo socdaalo wacyi gelin nabadeed oo la dhex maro dhamaan deegaanadii ay wax ka dheceen kuwa kaleba.

Dhanka kale, wararka aan ka helayno Taleex ayaa sheegay in isu Soo Bax ballaaran lagu qabtey maanta magaaladaasi, kaasoo lagu taageeray heshiiska la dhexdhigey laba beelood oo mudo 6 sano ka badan u dhaxeeyey dagaalka sokeeye.

Isu soo baxan ayaa waxaa hogaaminaya Garaad Saleebaan iyo Boqor Burhaan.

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM