Hogaamiyeyaasha Daacish oo lagu beegsanayo Puntland

Image

BOOSAASO, Puntland - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalka Axadii tuulada Ceelka Miraale ee duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ku dhex-maray kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Iska hor-imaadka ayaa yimid kadib duulaan ay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ku ekeysay fariisin ay degaankaasi ku leeyihiin xoogaga Daacish faraca Soomaaliya, taasoo dhalisay is-rasaaseyn culus.

Dagaalka labada dhinac, oo sii xoogeystay mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa kusii baahay tuulooyinka kale ee ku teedsan Ceelka Miraale, sida dadka degaanka ay u sheegeen Warsidaha Garowe Online.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramaya in labada kooxood uu kasoo gaarey dagaalkii ugu dambeeyay, kaasi oo qayb ka ah guluf ay iclaamisay kooxda Muqdisho laga saarey sanadkii 2011-kii.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ujeedka ay Al-Shabaab ugu duushay degaanka Ceelka Miraale ay tahay inuu maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ku sugnaa hogaamiyaha garabka Daacish ee Somalia, C/qaadir Muumin.

Al-Shabaab iyo Daacish oo lagu waramayo inay dagaalamayaal horleh qoranayaa ayaa mudooyinkii dambe waxaa udhaxeeyay loolan, kaasi oo ku saabsan kooxda ku gacan-sareynaysa Somalia, iyaga oo ganacsatada kusoo rogay lacago baad ah.

C/qaadir Muumin oo horey uga tirsanaa Al-Shabab ayaa Daacish ku aas-aasay 2015-kii Buuraha gobolka Bari, isagoo hadda isku dayaya inuu awoodda Kooxdiisa ku baahiyo gobolka, islamarkaana meesha ka saaro Al-Shabaab.

Labadan Kooxood ayaa khal-khal ku haya amniga Puntland, iyadoo midba mida kale ay loolan ugu jirto inay ku gacan sareyso gobolka Bari, waxayna lacago baad ah ka qaadaan ganacsatada Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM