Puntland: Keating oo Garoowe kulan kula leh odyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin

Image

GAROWE, Puntland - Ergeyga gaarka ee u qaabilsan arimaha Soomaaliya Qaramada Midoobey Micheal Keating ayaa booqasho uu ku yimid magaalo madaxda Puntland, waxaa kulamo uu kula leeyahay xarunta PDRC ee Garoowe qaybo ka tirsan odayaasha dhaqanka iyo siyasiyiinta mamaulkaas.

Kulankaan ayaa yimid kadib markii maalmihii la soo dhaafey ergeyga booqasho ku joogey xarunta gobolka Mudug halkaas oo uu u kuurgalayey barnaamijka qorshaha nabadeynta beelaha ku wada nool magaalada Galkacayo kaas oo ay qayb ka tahay Qaramada Midoobey. 

Kulankaan uu kula jiro qaar ka tirsan Issimada Puntland ee ku sugan Garoowe ayaa weli socda.

Ergeyga ayaa sida warsidaha Garowe Online ogaadey kulanka uu la leeyahay Issimada waxaa diirada lagu saari doonaa colaada Tukaraq iyadoo la filayo iney u dhibaan qoraal ku aadan mowqifkooda.

Kulankii madaxda Soomaalida loogu qabtey Brussels ayaa waxaa kasoo baxay qodob khuseeya colaada Tukaraq iyadoo la filayo in Micheal Keating xoojinayo sidii qodobkaas u noqon lahaa miro dhal.

Madaxweynaha dowlada Puntland oo horey kulamo ula qaatey qaar tirsan saraakiisha beesha caalamka intii uu socday Shirkii Brussels ayaa sida GO fahansan yahay inuu u sheegey in isagu aqbali karo wadahadal dhexmara labada maamul balse culeys xoogan ka haysto qaybo ka tirsan Issimada gaar ahaan kuwo Nugaal iyo Sool kuwasoo ku adkeysanaya in dagaal lagu xoreeyo gobolada maqan.

Kulankaan ayaa u muuqda in siyaasiyinta labada maamul gaar ahaan kuwa Puntland u weeciyeen xalinta khilaafkaan odey dhaqameedka taasoo u muuqata in ergeyga safarkiisa uu markaan ku yimid Garoowe diirada ku saarayo. 

Somaliland oo qabsatey Tukaraq 7 bilood ka hor ayaa maamulka Puntland ee Madaxweyne Gaas ciidamada la isugu geeyey degaankaas intooda badan waxaa isu soo ururiyey beelaha daga goboladaan.

GAROWE ONLINE kala soco wararka kasoo baxa kulankaan ka socda PDRC.  

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM